Madaxweynaha Dawlad Goboleedka GalMudug Mudane Max’d Warsame Cali Kiimiko Oo Kulamo kula leh Magaalada Jabuuti Madaxda dalkaasi IYO diyaar garow Ka Soconaya Magaalada Galkacyo Oo lagu Soo dhaweynayo.

Aug,25,2008 www.Hobyoradio.com 


Madaxweyanah dawlad Goboleedka Somaliyeed ee GalMudug State Mudane Max’d Warsame Cali Kiimiko iyo wafdi uu hogaaaminayo oo ay kamid yihiin madaxweyne ku xigeenkiisa Amb. Cabdisalaan Dhabancad iyo wasiirkiisa maaliyada Ahmed Dahir C/karin Nuur  ayaa Mudooyinkaan Socdaal dheer ku Marayay qaybo badan oo ka tirsan dunida ayagoo ka soo anba baxay wadamada Maraykanka,Pakistan iyo Ingiriska ayay meelo badan wax ay ku soo kala bixiyeen socdaal waxaana Meelaha wafdiga Madaxweyne kiimiko ay soo mareen ka mid ah Maleysia ,Dubai iyo jabuuti oo ay hadda ku sugan yihiin sida hobyoradio uu u sheegay Afhayeenka dawlad Goboleedka GalMudug Mudane Axmed Baasto waxa wafdiga Madaxweyne kiimiko ay wada hadal iyo kulamo dhawr ah oo ku saabsan xaaladaha ka jira dalka Soomaliya Magaalada jabuuti ay kula leeyihiin Madaxda dawladda jabuuji oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxana sidoo kale Madaxweyne kiimiko uu ku dhiiri Galayay Madaxweyanaha dalka jabuuti in uusan marnaba ka Caajisin dadaalada nabadda ee uu ka dhex wado siyaasiinta Soomaaliyeed oo in badan oo ka mid ah hadda ay ku sugan yihiin Magaalada Jabuuti.


Dhinaca kale diyaar Garow balaaran oo loogu jiro Soo dhawaynta Madaxweynaha GalMudug Mudane Max’d Warsame Cali Kiimiko ayaa ka Soconaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug xarunmaha dawladda gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada, Guriga Baarlamaanka kan Gobolka iyo Shacabka ee Galmudug ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar Garowga soo dhawaynta Madaxweynaha oo maal maha soo socda ku soo wajahan xarunta GalMudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Cabdalla M.C/lle
Hobyoradio Galkacyo
GalMudug SOMalia
0025290 752260

President of Galmudug Prof. Max'ed  Warsame

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com