|
Garoonka Kubada Cagta Ee C/laahi Ciise Stadiom ee Kuyaala Magaalada Gaalkacyo Gaar'ahaan Galmudug State Waa Sidee Xaaladiisu.
Aug,26,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Garoonka Kubada Cagta Ee C/laahi Ciise Stadiom ee Kuyaala Magaalada Gaalkacyo Gaar'ahaan Galmudug State Waa Sidee Xaaladiisu.



Garoonka Kubada Cagta Ee C/laahi Ciise Waa Garoon Wayn oo ay Kucayaaraan Bahda Sports-ka Galmudug State Bulshada Xiisaysana ay U soodaawasho Tagaan Marka uu Socdo Horyaalka Galmudug, Garoonka Kubada Cagta C/laahi Ciise Dhalinyarada Kucayaarta Markii Hore Waxa ay ladagaalami Jireen Dadka Doonaya in ay Garoonka Dhistaan Balse Hada Taasi Waxaa Kadarnaatay Waxaa lalabaxay Birihii Garoonka lagu Cayaarayay lama Garanayo Cida labaxday Taasina Waxa ay Sahli Kartaa in Gabi ahaan Meesha uu Kabaxo Garoonka Kubada Cagta Ee C/laahi Ciise Stadiom.
Dhanka kale Magaalada Gaalkacyo Waxa kuyaala Labo Garoon Kuwaasi oo kukala Yaala Koonfurta iyo Waqooyiga oo ay Kakalataliyaan Maamulada Galmudug iyo Puntland, Waxaana Garoomadaasi lagu kalamagacaba C/laahi Ciise Stadiom oo Galmudug ah iyo Cawaale Stadiom oo Puntland ah Garoonka Kubada Cagta Cawaale Stadiom ee Kadhisan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Maamulka Puntland Waa Garoon Dhisan ilaalo Qaasana leh Sanadkiina Mar ladayactiro, laakiin Dhalinyarada Kucayaarta Garoonka Cawaale Stadiom ayaa Waxa ay kacabanayaan Dhulka Garoonka oo Dhagax ah Qatarna Galiya Ciyaariyahanka Marka uu kudhaco Dhulka.
Garoonka Kubada Cagta C/laahi Ciise Waa Garoon Weyn laakiin aan haysan Dayactira Dhulka Garoonka C/laahi Ciise Waa mid Dhoobo iyo Caro Guduud isku Jira ah Dhibna aan u Geysan Ciyaartoyda Marka ay Ciyaarayaan, Hase yeeshee Waa Garoon Qaawan Birana aan lahayn Asagoo Sidaas ah Ayaa Hada Waxaa kasocda Koobka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Dhan Walba Hajirtee Dhalinyarada Kucayaarta Garoonka C/laahi Ciise Stadiom Ayaa Baaq U Jeediyay Bulshada Reer Galmudug iyo Jaaliyadaha Galmudug ee Dalka Dibadiisa in ay Abaabulaan Sidii loo Dhisi lahaa Garoonka Kubada Cagta Ee C/laahi Ciise Stadiom Shaqsiyaadkii Dhismaha Garoonka C/laahi Ciise Kaalin muuqata Kaqaata Waxaa Xusi Doonta Taariikhda Sports-ka Galmudug Sidaasi Waxaa yiri Bahda Sports-ka Ee Galmudug.
Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug
Siciidjaanii@hotmail.com
TEL +252090695159

|