|
Xaflad lagu Furayo Tartanka Qur'aanka Kariimka oo Caawa Kadhacday Xarunta Idaacadda Hobyo Ee Magaalada Gaalkacyo.
Aug,26,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Xaflad lagu Furayo Tartanka Qur'aanka Kariimka oo Caawa Kadhacday Xarunta Idaacadda Hobyo Ee Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka oo furaya tartanka Quraanka kariimka ee idaacada hobyo ee Galkacyo








Xafladaani Ayaa Waxaa Goobjoog ka'ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Dhaqanka Maamul Gobaledka Galmudug Abshir Maxamed Aadan, Asagoona Daah Furay Tartanka Qur'aanka Kariimka Waxa uuna U mahad celiyay Dhamaan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Hobyo Radio Gaar'ahaan Milkiilaha Hobyo Radio C/casiis Xaashi Xogolof oo uu Kusheegay in uu Yahay Shaqsi Wadani ah Hormarkana Jecel, Wasiirka Warfaafinta Abshir Maxamed Aadan ayaa Shaaca kaqaaday in uu Tartankaan Qur'aan Aqriska uu Maalgaliyay Milkiilaha Idaacada Hobyo C/casiis Xaashi Xogolof {Shaacir}, Waxa uu Sidookale U mahad celiyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maamulayaasha ,Masuuliyiinta iyo Macalimiinta Macadka Al Xikma oo iyagana Qeyb Kaqaatay Qaban Qaabada Tartanka iyo isku soodubida Ardayda.
Tartanka Ayaa Waxa uu kubilawday Jawi Dagan Ayadoo ay Tartamayeen ilaa 5arday oo kakalasocda Madarasooyin kaladuwan oo kuyaala Gudaha Magaalada Gaalkacyo, Ardayda Tartamaysa Ayaa Waxa ay isugu jiraan Wiilal iyo Gabdho kuwaasi oo kutartamaya 114ta Qur'aanka Cadadiisa Ayadoona Ardayga Su'aalaha laga Waydiinayo Suurado Kaladuwan.
Dhanka kale Sida ay Shaaca Kaqaadeen Gudiga Tartanka Qur'aanka Kariimka ee kabilawday Idacadda Hobyo iyo Websitka Hobyoradio.com, Tartankaan Waxa uu Soconayaa ilaa iyo 10 Galbood oo ay kutartamayaa 5 arday oo laga Sooxulay Madarasooyinka Kaladuwan ee kuyaala Magaalada Gaalkacyo, Natiijada Tartanka ardayga kuguulaystay Waxaan Yeerinaynaa Galabta Ugu danbaysa Ee Tartanka Qur'aanka Kariimka.
Dhan Walba hajirtee Tartankaan Ayaa Caawa Kabilawday Xarunta Idaacadda Hobyo Ee Magaalada Gaalkacyo Ayadoo Caawa Wixii kadanbeeya uu Tartanku Dhicidoono Galab Saacadu Markaytahay 5:00 Galabnimo.
Kala soco Si toos ah Idaacadda Hobyo ee Magaalada Gaalkacyo ama www.hobyoradio.com Tartanka Qur'aanka Kariimka
Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Somalia
Siciidjaanii@hotmail.com
TEL +252090695159

|