Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
 Kulan si weyn loo soo agaasimay islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen howlwadeenada jamacada (Mudug University), qaybta ardayda iyo wacyigalinta bulshada ayaa ka dhacay hoolka shirarka machadka Al.xikmah ee magaalada Gaalkacyo.

Aug,27,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

 

Kulan si weyn loo soo agaasimay islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen howlwadeenada jamacada (Mudug University), qaybta ardayda iyo wacyigalinta bulshada ayaa ka dhacay hoolka shirarka machadka Al.xikmah ee magaalada Gaalkacyo.

Isku imaatinkaan oo ay ka soo qaybgaleen xubno faro badan oo katirsan ardayda Galmudug gaar ahaan ardayda kabaxday dugsiyada sare ee aan fursada u helin in ay helaan waxbarashada heerka jaamacadeed.

Mr, Muuse Cali Salaad oo kamid ah howlwadeenada dalka gudihiisa ee jaamacada (Mudug University), ayaa u sheegay ka sooqaygalayaasha in dadaal dheer kadib oo aysameeyeen aqoonyahanada reer Galmudug ee dalka iyo dibadda ay suurta gashay in lahirgaliyo Mudug University, oo naqondoonta jaamacadii ugu horaysay ee daboosha baahida waxbarashada heer jaamacadeed ee ka jrta Galmudug state.

  

Axmed kheyr m.maxamuud oo katirsanaa ardaydii ka qaybgashay kulankan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin furitaanka jamacada (Mudug University) iyo sidoo kale kuliyadaha aadka u muhimka ah ee loo soo bandhigay shacabka u oomanaa aqoonta heerka jaamacadeed.  

 

Inkabadan 60 arday oo kamid ahaa ardadii ka qaybqaadatay kulankan ayaa goobtii kaga dhawaaqday in ay diyaar u yihiin in ay noqdaan dufcadda ugu horaysa ee nasiibka u yeelatay in ay waxkabarato jaamacada (Mudug University) ee magaalada Gaalkacyo.

 

Mudug University oo xarunteedu kutal dhinaca waqooyi ee Hotel Embassy ayaa noqotay hadalhaynta ugu balaaran ee dadweynaha ku nool magaalada Gaalkacyo.

 

Ugu danbayntii kulankan ay wada yeesheen ardayda Galmudug iyo jaamacadda Mudug, ayaa ku soo gabangaboobay sidii loogutalagalay.

 

 

 Maxamed C/lahi Cali

E.mail: amiin4me@hotmail.com

Galkacyo-Galmudug state of somalia

 

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|