Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
 Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqoyiga Yurub Tacsi iyo Cambaareyn weerarkii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Hotel Muna 24kii Agoosto 2010.

Aug,27,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso
 

Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqoyiga Yurub Tacsi iyo Cambaareyn weerarkii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Hotel Muna 24kii Agoosto 2010.

Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqoyiga Yurub wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii naxariisdarada ahaa ee ka dhacay Hotel Muna ee magaalada Muqdisho 24kii Agoosto 2010.

Weerarkan waxashnimada ah ee lagu qaaday shacbi Sooman Bil Ramadaan waa mid lagu doonaayo in lagu tirtiro shacbiga Soomaliyeed dalkii Soomaliyeedna laga dhigo dal aan jirin oo aan lakala lahayn.

Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqoyiga Yurub wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacbiga Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay xoojiyaan midnimadooda, meelna uga soo wada jeestaan arxan laawayaashii ka danbeeyay falkan argagixisinimo iyo kuwii ka horeyba.

Waxuu Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqoyiga Yurub ku baraarujinayaa dowladda Soomaliya in ay wax ka badasho qorshaheeda ku aadan difaaca dalka si muddo gaaban loogu sugo amaanka dalka.

Wuxuu kaloo Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqoyiga Yurub ku adkeeynayaa dowlada Soomaliya in ay ciidamada nabad ilaalinta (AMISON) ay ku amarto sidii ay uga joojin lahaayeen garaaca meelaha ay shacbigu ku noolyihiin.

Ugu danbeyntii Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqoyiga Yurub wuxuu Tacsi muruga leh u dirayaa dhammaan shacbiga Somaaliyeed gaar ahaan qoysaskii, eheladii iyo asxaabtii intii ku geeriyootay falkaa argagixisada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana Allaha Weyn uga baryaynaa in intii dhimatay naxariista Janno ka waraabiyo inta dhaawaca ahna caafiyo.

Sidoo kale wuxuu Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqoyiga Yurub tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii & qaraabadii ay ka geeriyoodeen dad kabadan 130 qof oo lagu xasuuqay duqayntii 3 da bari ee aan loo meel dayin ee lagu garaacay xaafado & meelo kabaxsan furimada dagaalka.

Innaa Lillaah wa innaa Ilaahi Raajicuun.

Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Somaliya ee Waqooyiga Yurub

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|