|
Horumarka ugu weyn Sandkan 2010 ka ee Degaanada Galmudug waa hirgalinta jaamacada (Mudug University) : maqaal : by Maxamed C/lahi Cali
Aug,27,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Horumarka ugu weyn Sandkan 2010 ka ee Degaanada Galmudug waa hirgalinta jaamacada (Mudug University) : maqaal : by Maxamed C/lahi Cali
Laga soo bilabo sanadii 2000 waxaa soo ifbaxay horumar dhinacyo badan leh haba ugu muhiimsanaatee dhinacyada dhanka waxbarashada,ganacsiga,caafimaadka iyo qaybaha kale ee lafdhabarta u ah adeega bulshada.
Wixii kadanbeeyay sanadkii 2006 waxaa hirgalay waxbarashada dugsiyada sare iyadoona lagahirgaliyay dugsiga sare ee S.Y.L oo ah dugsiga ay kasoo bexeen inta badan dhalinta dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sare, iyadoona ay gaartay tirade ardada ka qalinjabisay sanadkan oo kali ah 55 arday.
Hadaba sanadkan aynu ku guda jirno ee 2010 ka waxay bulshada reer galmudug in dhaha ku kalaqaadeen hirgalinta jaamacada (Mudug University) oo laga hirgaliyay xarunta Galmudug ee Gaalkacyo.
Mudug University, oo ah jaamacadii ugu horaysay ee laga hirgaliyo guud ahaan gobalada dhexe gaar ahaan Galmudug, waxaa siweyn u soo dhaweeyay inta badan shacabka reer galmudug gaar ahaan bahda waxbarasha.
Xog waraysi aan la yeeshay qaar mid ah howlwadenada gudaha ee jaamacadda (Mudug University), waxa ay ii sheegeen in ay jaamacadaani soo abaabuleen in kabadan50 aqoon yahan kuwaasi oo ku kalasugan dacalada aduunka.
Qofkasta oo u baahda faah faahin dheeraad ah oo ku aadan warbixinada la xariia jaamacada mudug waxaa usuurta gal ah in uu booqdo wabsedka jaamacada oo ah mudguniversity.com
Ugu danbayntii Mudug University, waxay noqotay horumakii ugu horeeyay ee dhanka waxbarashada sare kaas oo ka hirgala dowlad Galmudug, waxaana looga fadhiyaa dhamaan dadka daneeyay horumarka Galmudug, in ay taageero dhankasta ah lagarab istaagaan dadaalka loogu jiro in la helo taclin sare.

Maxamed C/lahi Cali
E.mail: amiin4me@hotmail.com
Galkacyo-Galmudug state of somalia

|