|
Shir qaatay mudo saacado ah islamarkaana dhexmaray xubno kasocday jaaliyada reer Galmudug ee dalka Maraykanka iyo howlwadeenada jamacada (Mudug University),ayaa maanta ka dhacay xarunta jaamacada ee magaalada Gaalkacyo.
Aug,27,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Shir qaatay mudo saacado ah islamarkaana dhexmaray xubno kasocday jaaliyada reer Galmudug ee dalka Maraykanka iyo howlwadeenada jamacada (Mudug University),ayaa maanta ka dhacay xarunta jaamacada ee magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno kalamatalay labada dhinac ee aan korkusooxusnay ayaa la’isla faaqiday waxqabadka jaamacada iyo sidii ay jaaliyadu u labanbaabilahayd taageerada dhankasta leh ee ay lagarabtaaganyihiin hirgalinta howlaha jamacadda ee hanaqaadka ah.

Yuusuf Jaamac Ducaale (ilkacase), oo ah gudoomiyaha gudiga qabanqaabada gudaha ee jaamacada Mudug kana hadlay iskuimaatinkan ayaa ku nux nuux saday muhiimada ay u leedahay Mudug University dadka iyo deegaan ka Galmudug

Ilkacae, wuxu umahad celiyay muwaadiniinta reer Galmudug ee gacanta kageestay dhaqaajinta rajadan weyn ee ay higsanayaan jiilka soo koraya

Jacfar Sh.C/raxmaan Sh.Nuur oo kahadlay kulanka kunahadlayay magaca jaaliyada Galmdug ee Maraykanka ayaa tilmaamay in a ku faraxsanyihiin sida ay u socdaan howlaha jaamacada (Mudug University),wuxuuna in taasi raaciyay in ay guntiga dhiisha kadhigaaan si loogaaro ahdaafta loo aas aasay jaamacadan.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli lafilayo indhawaan ay dalaka soo gaaraan aqoonyahano kasaota qurbejoogta reer Galmudug ee ku kala nool qaaradaha aduunka.
Kulankan ayaa ku soo gabangaboobay jawi faradi ku dheehantahay, islamarkaana aya dhamaan ka soo qaybgalayaashu siweyn ugu qanceen qodabadii la’isla soo qaaday.
Maxamed C/lahi Cali
E.mail: amiin4me@hotmail.com
Galkacyo-Galmudug state of somalia

|