Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
 TACSIDDA GEERIDDA AL-MARXUUM-DANJIRE-CUMAR MAXAMED UMAL.‏

Aug,27,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

TACSIDDA GEERIDDA AL-MARXUUM-DANJIRE-CUMAR MAXAMED UMAL.‏

 

Danjire Al-Marxuum-Cumar Maxamed Umal wuxuu ka mid ah shakhsiyaadkii
mudada dheere ka soo shaqeeyeey Wasaaradii Arrimaha Debedda waxaanu
soo qabtay xilal kala duwan sida:-Biloowgii 70-kii Qunsulkii Cadan,
Agaasimaha Waaxda Maaliyada Wasaaradda,Agaasimaha Waaxda Qunsuliyada
Wasaariadda iyo Safiirka Somaaliya u fadhiyeey Dalka Zambia,wuxuuna
ka mid ah Safiirada magaca wanaagsan,kartida,wadaniyada,daacadnimada
iyo xilkasnimada ku caanka ahaa sida:-

 
 
-Halyeey-Al-Marxuum-Danjire-C/Laahi Ciise Maxamuud.
-Al-Marxuum-Danjire-Maxamed Jaamac Cilmi(MJ).
-Al-Marxuum-Danjire-C/Raxmaan Axmed Cali(Tuur).
-Al-Marxuum-Denjire-Dr-Gacaliye.
-Danjire-Dr-Axmed Keeyse.
-Al-Marxuum-Danjire-Dr-Ahmed Shire.
-Al-Marxuum-Danjire-Dr-Maxamed Xasan Saciid(Dhuko).
-Danjire-Cawad Suubiye.
-Danjire-Axmed Maxamed Darmaan.
-Al-Marxuum-Danjire-Maxamuud Bookax.
-Danjire-Shiikh Cabdulle.
-Danjire-Saylaci.
-Danjire-C/Laahi Axmed Cadoow.
-Danjire-Saciid X.Maxamuud Dheere.
-Danjire-Proff-Ibraahim Meeygaar Samater.
-Danjire-Gen-Maxamed Cali Sharmaan.
-Al-Marxuum-Danjire-Xuseen Xassan Ba'gad.
-Danjire-Maxamuud Xaaji Nuur.
-Danjire-Ducaalle.
-Danjire-Ahmed Jaamac C/Dulle-Jangeli.
-Danjire-Cumar Carte Qaalib.
-Danjire-Shariif Saalax.
-Danjire-C/Laahi Xassan.
-Danjire-Dhigic-dhigic.
-Danjire-Xassan Shabeelle.
-Danjire-A/Kaadir Amiir Shiikh.
-Danjire-Maxamed Garaad.
-Danjire-Gacma dheere.

-Danjire-C/Laahi Sh.Ismaaciil iyo Safiiro badan oo dhigooda ahaa,
Magacyaduna waa Tusaale ahaan keliya.
 
 
Al-Marxuum-Danjire-Omar Umal wuxuu ku soo barbaaray Magaaladda Muqdisho, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa qoys wadaniyada ku caan ah,Walaalkiis Halyeey-Marxuum-Axmed Umal(Ahmed Aloore) ayaa ka mid ahaa geesiyaashii Soomaaliyeed oo si weyn ugu soo halgamay xoriyadda iyo madax banaanidda wuxuuna ka mid ah tiirarkii wax ka hirgeliyeey in SYL yeelato xarumo ka baxsan Caasimada Muqdisho,si weyn door uga ciyaaray wacyi gelinta iyo soo jiidashada dadweynaha somaaliyeed guulaha debeda hadii loo nisbeeyo halyeey C/Laahi Ciise Maxamuud,guulaha gudaha iyo isku xirka taageerayaasha waxaa si weyn loogu nisbeeyaa halyeeyo wuu ugu horeeyo-Ahmed Aloore(Aun-Aamiin), Danjire Cumar Umal wuxuu si wadaniyad,Somaalinimo iyo dadnimo leh u hayeey
Safiirada Somaaliyeed ee Dalka Zambia mudo ka badan 23-Sano ama ku dhoowba wuxuuna diideey in wuu masuuliyadaas dayaco oo qaxooti-nimo u haajiro iyo in wuu hantida qaran lumiyo ama ku takri tallo,lamana soo koobi karaayo sida
wanaagsaneyd iyo howlihii wax qabad ee wuu Muwaadiniinta somaaliyeed u qabtay weliba xiliga dowlad la'aanta,iyadoo la wada ogyahay in Safiiro badani si cad u xaraasheen dhismayaashii safaaradha,hantidii dhextaaleeyna bililiqeeysteen sida-Safaaradii Neyroobi,London,Brusaless iyo kuwo kaleba(waana ayaan daro), Wadaniyaduna waa u dhalasho,taariikhudna weey qori qofba halkee galo.

 
Waxaa halkan Tacsi tiiranyadeeda leh ka diraaya guud ahaanba Hogaanka Dhaqan, Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka,Dhalinyarada,Haweenka iyo guud ahaanba Beesha Cabdi Garaad(Qayaad) oo eey hormoodka ka yihiin-Xurmadle-GARAAD CALI BURAALE XASSAN,Xurmadle-Oday Siyaasi-Maxamed Cabdi Xaashi,Xurmadle-Oday-Aqoonyahan-
Maxamed Maxamuud Khaawi,Oday-Aqoonyahan-Proff-Axmed Bootaan Dhakaar,Oday-Xaaji Cabdi Sh.Cumar,Oday Dhaqameed-Suluc Cali Gaas,Oday-Xassan Shiine,Oday-X.Maxamed
X.Ismaciil,Oday Sharci-yaqaan-Maxamed Xassan Maxamed(Gamco-yare),Oday-Aqoonyahan- Axmed Cabdi Xaashi(Xashare),Oday-Cali Guraashe Ismaaciil(Cali Qayaad),Oday-Dowlad
Faarax,Oday-Cabdullaahi Ciise Oog,Marwo-Faadumo Maxamed Aw Faarax,Marwo-Xaliimo Maxamuud Khaawi,Marwo-Zahra C/Laahi Bun-dubte,Maxamuud Diiriye Cabdi-joof,C/Laahi Sh.Maxamed Sh.Cumar,Sh.Jaamac Xassan Cumar,Xildhibaan-C/Raxmaan Xaaji Ismaaciil, Oday-Cabdi Bootaan Dhakaar iyo guud ahaanba Jaaliyada qurba jooga C/Garaad,waxaanu
Marxuumka Allah uga rajeeyeeynay in wuu Janadii ka waraabiyo,Qoyskiisii gaar ahaan Marwo-Khadiija iyo Caruurtiiba,Ehelkiisii iyo guud ahaanba Ummada Somaliyeed Samirm iyo Iimaan ka siiyo-Aamiin,Aamiin,Aamiin.
 
 
 
-GEERIDU WAA XAQ-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab).
-England-UK- 27/08/2010.
-sharifhassan50@hotmail.co.uk

  

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|