Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Howlwadeenada jaamacada ( Mudug University ), oo maanta kulan laqaatay Wazaarada Waxabarashada Galmudug state.

Aug,29,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Howlwadeenada jaamacada ( Mudug University ) oo maanta kulan laqaatay Wazaarada Waxabarashada Galmudug state.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Howlwadeenada gudaha ee jaamacada (Mudug University), islamarkaana ay goobjog ka ahaayeen mas’uuliyiinta wazaarada waxabarasha Galmudug uuna horkacayay waziirka wazaarada waxabarashada Mudane Burhaan Warsame Cigaal, ayaa kadhacay xarunta wazaarada ee magaalada Gaalkacyo.

Xubihii kaqaybgalay isku imaatinkan waxaa kamid ahaa, Waziirka wazaarada waxbarashada Burhaan Warsame Cigaal, kormeerka waxbarashada C/raxman Cali Diiriye (Isxal) madaxa maaliyada wazaarada waxbarashada Axmed-nuur Cisman Cali Barre, Gudoomiyaha hawlwadeenada gudaha ee jaamacada Yuusuf Jamac Ducaale (ilkacase), Maxamed Xaji (Erag), C/lahi Sh.Cilmi Cosoble (dulyar), Sh.muxyadiin Yuusuf  Barre, Usataad Muuse Cali Salaad, Jacfar Sh.C/raxmaan Cali-saciid Garaad Nuur iyo xubnokale oo badan.

Uguhorayntii waxaa halkaasi khudbado isku nuxur ah kasoo jeedyay gudigii matalayay jaamacada (Mudug University), waxayna ka sheekeeyen taariiqda jaamada tan iyo markii ladhagaxdhigay, waxayna wazaarada u sheegeen in ay Uguyimadeen sidii ay uga warbixinlahaayeen halka ay marayaan howlaha jaamacadu.

Waziirka waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo kulanka ka halay ayaa ku dheearaaday soo dhaweynta iyo taageerada ay u hayaan howlaha jaamacada (Mudug University), wuxuuna intaasi raaciyay in ay jaamacadani tahay midii ugu horaysay ee  Dowlada Dhexe iyo tan Galmudug ay ka dhagaxdhigaan deegaanada Galmudug.

“waan soo dhaweynaynaa waana ku faraxsanahay wazaarad ahaan iyo ka dowlad ahaan, waana waa jibnasaaran in aan door shariif ah kaqaadano howlkasta oo lagu hormarinayo waxbarasha.” Ayuu yiri wazirka waxbarashada Galmudug Mudane Burhaan  Warsame.

Sikastaba ha’ahaatee kulanka ayaa ku soo afmermay is afgarad balaran oo dhaxmaray dhinayada kulugta lahaa shirka, waxayna islagaareen in ay joogteeyaan kulamadan oo kale.

 

Maxamed C/lahi Cali

E.mail: amiin4me@hotmail.com

Galkacyo-Galmudug state of somalia

 

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|