Xassuqii ugu dambeeyay Muqdisho-Afgooye"Last  genocide Mugadisho-Afgoye

Aug,28,2007 www.Hobyoradio.com

Last genocide Mugadisho-Afgoye Xassuqii ugu dambeeyay Muqdisho-Afgooye 

Iyadoo adduunku uu iska daawanayay xasuuqyadii, burburkki, barakicii iyo boobkii loo geystay dadka Soomaaliyeed ee Muqdisha ku noolaa laga soo billaabo Jannaayo 2007, ayaa hadda talisku Tigreguu ee Soomaaliya qabsaday oo ay horkacayaan Soomaali ku sheegga maddiidinka u ah waxay qorshaynayaan duullaan iyo xasuuqii ugu ba’naa oo ay ku qaadan dadkii ay horay uga qaxiyeen, guryahoodi burburiyeen islamarkaana ay hantidoodi horay u bililiqaysteen oo daadsan duurka u dhexeeye Siinka dheer ilaa Afgooye. Dadkaaso horey ayay ka xannibeen gar-gaarkii loo fidin lahaa iyadoo caalamka oo dhanna laga wada ogyahay.

Waxaad la wada socotaan in 2/3 dadkii Xamar deganaa la barakiciy iyodoo intoodii badnayd ay  halka aan soo sheegay geedaha hoostooda dadsanyihiin iyagoo aan biyo, hoy, cunto, daryeel caafimaad iyo agab midna haysan.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ waxa caruurtu ku hadaaqdo waalidka ayay ka maqlaan, waxa kalo la yiri waxa uurka kaaga jira ayaa afku kaa xadaa; hadallada goodiska iyo garowshiya xumida ee ka soo butaacaya kuwa ka aradan caqliga, garashada, damiirka iyo dareenka Soomaalinimo waa  qorshe u dagsanaaTigreega iyo kuwa u shaqeeya. Taana waxaa muujinaya digashada iyo erayadii Mohamed Dheere iyo Salaad Cali Jeelle oo ah wax laga xishoodo , in qof masuuliyad Qaran sheeganayaana aan laga filan karin waxa ay ku hadlaan had iyo jeer in madaxdooduu Yuusuf iyo Geedi xitaa cudur daar aanay ka  bixin, bal iskaaa xil laga qaad iyo tallaabo kaloo laga qaade, waloow aan dareensanahay in laguba abaalmariyay arrimahaas.

Horay waxay filayeen in dadkaasu ay silac iyo saxariir u baabi’doonaan, hasayeeshe waxay moogyihiin in Allaha Weyni wax dilo waxna nooleeyo oo qof waliba qaddarkiisa sugayo.

Tallaabada caynkaas ah oo ay bahalladu maaganyihii waxaa sii dhiirri geliyay wixii ay horay u geysteen halkii lagu cambaareynlahaa, Maxkamad Caalami ahna lagu soo horjoojin lahaa dambiyadii iyo xadgudubyada aadanaha awgeed ayaaba lagu abaalmariyay iyadoo arrintu ay tahay gardarro garab og. Laakiin taariikhdu iyo waayuhu sida ay moodayaan ma noqonayso, oo waad arki doontaan Allaha Weyni ruuxuu uu  ku simo kuwa badan oo maantay mushaaxaya in ay meel ay galaan weyn doonaan.

Sidaas darted waxan u soo jedinayaa qaylo dhaantan oo ah:

HAYAAY! HAYAAY! HAYAAAAAAAAY! BAHALLADA! BAHALLADA!

1.  In Adduun weynahu iyo shacabka Soomaaliyeed wixii dadnimo, diin iyo dareen waddaninimo ay ku dambeyso in ay ku baraarugaan gumaysiga iyo isir-goynta socota oo ay mawqif cad ka istaagaan kana arrimiyaan

2.  In warbaahinta Dunida loo wada tabiyo lagana sameeyo galaangal(lobbing) siyaasadeed iyadoo la kashifayo qorsha waxshinimada ee bahalladu wadaan

3.  In la wada ogaado in gumaystuhu aanu Soomaalida qaarna saaxib lahayn, qaarna necbayn bal se kolba maalinta la joogo uu qorshihiisa ku fushanayo cidda uu markaaas ka fushan karo.

 

    4. In laga digtoonaado shirqoollada iyo colaadaha ay ka dhex hurinayaan beelaha Soomaaliyeed si ay uga siijeediyaan qorshoodaha gurracan.

4.  In taariikha ay xusi doonta lagana lagana abaal marin doonin kuwa gumaysiga, godobta, gunnimada, gardarrada  iyo garowshiyo xumida na baday.

           WAA BILLAAHI TAWFIIQ TALANA WAA TI ILAAH 

             Qore, Faarax Ciise          

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com