|
Fadlan Caawi Iqro Bashiir Bire oo 3 jir ah lana ildaran xanuun indhaha.
Aug,29,2011
www.Hobyoradio.com

Fadlan Caawi Iqro Bashiir Bire oo 3 jir ah lana ildaran xanuun indhaha.



Iqro Bashiir Bire waa Gabar yar oo sadex sano jir ah 3jir Waxa ayna la ildaran tahay Xanuun indhaha kaga dhacay, Ayadoona labada indhood mid ka mid ah ay maqan tahay halka mida kale ay rogan tahay, islamarkaana, Xiliyada qaar waxba kama aragto Isha Rogan.
Bashiir Bire oo ah Aabaha dhalay Gabadha yartaa ee Xanuunka la ildaran, Ayaa Waxa uu sheegay mar uu ka warbixinayay Xaalada gabdhiisa, in qatar ay ku sugan tahay maadaama labada indhood mid ay maqan tahay halka midii kale ay rogan tahay.
Bashiir oo hadlaya ayaa yiri" Gabadhayda waa sadex jir kuma dhalan sidaan indhaha waxaa uga dhacay Cudurka la yirahdo {kansar}, waxaan geeyay Magaalooyin badan si wax looga qabto, sida Hargaysa, Adis Ababa iyo Nairobi, markii ugu danbaysay ee aan geeyay Nairobi, labada indhood mid ka mid ah ayaa laga saaray, mida kale wey fiicnayd, laakin hada midii fiicnayd ayaa rogantay Xiliyada qaar waxba kama aragto"Bashiir, Gabadha yarta Abahed ayaa sidaa yiri.
Bashiir Bire Ayaa mar kale yiri" Intii Awoodayda ah Lacagta loogu gurmanayo Gabadhayda Wan keenayaa laakiin Waxaan ka codsanayaa Walaalahayga Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed in ay ila garab istaagaan Gurmadka loo fidinayo Gabdha yartaa ee aan dhalay" bashir ayaa yiri.
Fadlan Caawi Gabdha Yartaa ee Soomaaliyeed, Qofkii Gacan ka gaysanaya Gurmadka Iqro Bashiir bire hala xiriiro Taleefanka ah 252090766172 waxana wata Aabaheed Bashiir Bire ama Hobyo Radio, Anaga ayaa idinku xiri doona.
Siciid jaani
siciidjaa@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|