Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Jaaliyada  Galmudug ee San Diego oo soo dhaweysay gudomiyaha barlamanka mudane Xasan Maxamuud Hayl.

Aug,3,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Jaaliyada  Galmudug ee San Diego oo soo dhaweysay gudomiyaha barlamanka mudane Xasan Maxamuud Hayl.

Gudomiyaha Barlamanka Galmudug mudane Xasan Maxamud Hayl

Madaxa Jaaliyada Galmudug ee San Diego Dr. Khaliif Cali Boor

Caaqil Haji Aadan, Caaqil Hashi Dheere, Cabdi Salaad, Ahmed Colow

Dr. Cumar Ahmed

Caaqil Haji  Aadan ( Indhaceel)

Bidix C/qadir Khayre, Base Ali Hashi, Ahmed Dheere, Khalif Aadan, C/qadir Kuluc

Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane Xasan Maxamuud Hayl  oo baryahanba socdaal ku marayay W/Amerika  ayaa soo gaaray magalada San Diego ee gobolka California, gudoomiayaha ayaa socdaal kusoo maray magalooyinka Phoenix, Arizona,  Toronto, Edmonton ee dalka Canada

Uguhorayntii ayaa waxaa aayadaha Qoraanka kariimka ka aqriyay Ahmed Warsame Colow.

Madaxa Jaaliyada Galmudug ee San Diego Dr. Khaliif Ali Boor ayaa  waftiga kusoo dhaweeyay magalada, hadalkiisiina waxaa kamid ahaa anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyada San Diego ee Galmudug rag iyo dumar Mudane gudoomiye waxaan si niyadsani iyo farxadi ku jirto kuugu soo dhaweynaynaa magaladeena San Diego, waxaana kaaga mahadcelinaynaa shaqada wanaagsan eed u hayso shacabka iyo maamulka  Galmudug.

 

Waxaa isna qudbo halkaasi ka jeediyay  Caaqil. Haji Aadan oo ku magacdheer Indhaceel, haji aadan wuxuu bogaadiyay maamulka Galmudug madaxdiisa oo uu ugu horeeyo madaxweyne Caalin, Gudoomiye Xasan Hayl, wasiirada, Garsoor, xeer-ilaaliyaasha iyo dhamaan maamulka, wuxuu amaan gaara u jeediyay golaha MARJACA, Culimada, Haweenka iyo dhalinyarada Galmudug ee gudaha kudhaqan, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri anigu waxaan kamid ahaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed waxaana ku talinayaa in maamulku hagaajiyo ciidamada si buu yiri loo helo ciidamo u basil ilaalinta shacabka iyo hadafka dowladnimo ee aan hiigsanayno,

Waftigii gudoomiyaha Barlamaanka ayaa waxaa kamid ahaa Dr. Cumar Ahmed oo  isagu ah reer Phoenix, Arizona, Dr. Cumar  ayaa mahadbalaaran u jeediyay Jaaliyada Galmudug ee San Diego sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug mudane Xasan Maxamuud Hayl oo socdaal kusoo maray gobolka Arizona, Dr. Cumar  ayaa ka codsaday dadkii halkaasi isugu yimid inay  taageeraan maamulka  Galmudug islamarkaana ay hill iyo hoohba la  garab istaagaan, una fidiyaan gacan dhaqaale  si buu yiri loo hirgaliyo mashariicda lagama maarmaanka ah ee dowladu u baahantahay.

Xiriiriyaha munaasabada soo dhaweynta C/aziz Xogolof ayaa kusoo  dhaweeyay makarafoonka  gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Mudane Xasan Maxamuud Hayl, Gudoomiye  Xasan Maxamuud Hayl ayaa salaam kadib mahadbalaaran u jeediyay jaaliyada Galmudug ee San Diego ee halkaasi isugu timid, gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay Marwooyin iyo Mudanayaan waxaan mar labaad inkaga mahadcelinayaa soo dhaweyta iyo kulanka aad isagu timaadeen, hadii aan inkaga waramo xaalada Galmudug dhanka Amaanka, Waxbarshada, Caafimaad, Biyaha,

            Amaanku waa suganyahay deegaanada Galmudug uusan ahaan 100% kiiba boqol, balse si nabad ah ayaa lagu maraa dhulka ay kataliyaan maamulka Galmudug, Dhaqaalaha lagu dabaro ciidanka booliska iyo kuwa qalabka sida  waxay kasoo baxaan canshuurta laga aruuriyo Kastamka  weyn ee duleedka magalada Galkacyo ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, Waxayna ciidanu u baahanyihiin taksiilaadkii ay ku shaqayn lahaayeen, tababar dheeri ah, hada waxaa dibada loo qaaday ilaa 100 dhalinyaro ah oo la soo siinayo tababar caalimi ah, waxaana rajaynaynaa inay daboolidoonaan baahida loo qabo ciidan aqoon iyo dishibiliin leh  hadii alle idmo.

            Waxbarashada deegaanada Galmudug waxaa laga hirgaliayay ilaa sodon iyo dhowr iskuul oo isugu  jirta Hose/dhexe iyo Sare, marka lagu baxo wadada laamiga ah waxaa kajira tuula kasta iyo dagma kasta iskuul Hose/Dhexe, marka lagu baxo wadada Hobyo waa sidoo kale dagma kasta iyo tuulooyinka siday u badanyihiin waxay leeyihiin dugsiyo Hose/dhexe’ waxaase hada dhime kusocdaa dugsiga sare ee Ceelguula, markaad kubaxdo wadada Golol run ahaantii meelaha qaar wali lagama hirgalin dugsi hose/dhexe  balse dagmooyinka waaweyn oo dadka badani dagayihiin iyo tuulooyinkoodaba waxaa ka jira iskuulo hose/dhexe, Marka loo eego 4afar sano kahor waxaa iskuulo kajireen magalada Galkacyo iyo Ceelguula,  inta kale waxaa la hirgalyay 4 afartii sano ee ay jirtay dowlada Galmudug, waxaa 4 afar sano kahor lagu qiyaasi jiray ardada dhiganaysa dugsiyada marka laisku geeyo inay  ahaayeen 280 ilaa 300, Halka manta ay iskuulada Galmudug kujiraan arday gaaraysa 4,500 afar ku iyo shan boqol oo arday’ waa alle mahadiis waxaana rajaynayaa inay kasii badandoonaan sanadyada soo socda,   waxaana xusid mudan dadaalka uu wado wasiirka waxbarashada ee Galmudug Burhaan Warsame.

            Caafimaadka deegaanada Galmudug  waxaa la orankaraa waa lagu guulaystay magaala madaxada Galkacyo, waxaa kajira isbitaal lacag la’aan ah, 4 qaybood oo kala duwan leh, loogana yimaado ilaa itoobiya iyo gobolada Somalia oo dhan, shaqaale kudhow 300 oo qof, waxaa gacanta ku haya hay’ada aan xuduuda lahayn MSF Holand,  marka laga hadlayo degmooyinka kale ee Galmudug waxaa isbitaalo laga sameeyay Celguula,Hobyo oo labadaba ay gacanta ku hayaan MSF holan, waxaa sidoo kale laga dhisay isbitaalo ama lagu talo jiraa  Ceeldibir,Xiro-dhagaxleey,  Bandiiradleey, Galinsoor, Bitaale, Bud Bud, Afbarwaaqo, Wasil, baahi weyn oo caafimaad  ayaa kajirta  deegaanada fog fog ee Galmudug , waxaa dhawaan kormeer kutagay Degmooyinka iyo tuulooyinka Galmudug dhankeeda bari  Wasiirka Caafimaadka Galmudug Mudane Faysal X. Ciid oo runtii ah nin howlkara ilaa iyo hada kor u qaaday wasaarada caafimaad, wuxuu kormeerkiisii kusoo dhisay waaxyo ama laamo  degmooyinka, dhagaysta warbixinta uu kazoo sameeyay wasiirka caafimaadku mudane Faysal xuseen Ciid  Dhagayso

            Dhanka  Biyaha wax weyn ayay ka qabteen hay’adaha kale duwan deeqbixiyayaasha, waxaana laga qoday Ceelal biyood deegaanada fog iyo kuwa dhow oo intooda badani ay ahaayeen xoolalay aan ka maarmin biyaha awalna waxay haysteen ceelal gacmeed  oo intooda badani guray, sidaad ogtihiin abaar raagtay ayaa soo martay deegaanada Galmudug ayadoo ay saas tahay hadana dhanka biyaha way helayeen xoolalaydu, waxaase wali loo baahanyahay in la helo biyo sifaysan oo dadka iyo duunyaduba cabaan, Magaalada Galkacyo ayadu waxay  haysataa biyo macaan oo gurikasta kujira, waxaa mashruucaas hirgaliyay oo runtii in la xuso mudan ganacsade Cabdul Jaamaca Dharas.

Ugu danbaytii ayaa gudoomiyaha Barlamaanku wuxuu ka warbixiyay barnaamijka uu yimid San Diego oo ahaa sidii garab looga heli lahaa jaaliyadaha Galmudug ee tirade badan  kunna nool dibadaha, gudoomiyaha barlamaanku wuxuu waday qorshe balaaran oo lagu dhisayo xarumaha maamulka Galmudug, gudoomiyuhu wuxuu soo bandhigay NAQSHAD iyo DHAQAALIHII kubixi lahaa xarumo dhisme oo laga hirgalinayo deegaanada  Galmudug, gudoomiyihu wuxuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa anagu maamul ahaan waan isku tashanay, cida kaliya ee aan garabka ka sugaynaa waa  jaaliyada Galmudug ee dibadaha, waxaan inka doonaynaa inaad sideena oo kale  isku tashataan ood garataan inaan cidkale u maqnayn dalkiinii iyo dadkiisii,  waxaan inka codsanayaa inaad qorshahan nala qaadataan islamarkaana aad gacan naga siisaan dhaqaalaha ku baxaya.

Caaqil Hashi Daahir oo kumagacdheer hashi dheere kana mid ah odayaasha San Diego ayaa asagoo ku hadlaya magaca jaaliyada Galmudug wuxuu yiri Mudane gudoomiye marka hore soo dhawoow marka xiga waxaan kaaga mahadcelinaynaa shaqada wanaagsan eed u haysid bulshada Galmudug, Mudane gudoomiye anigoo ku hadlaya magaca jaaliyada San Diego waan aqbalnay codsigaagii ahaa inaan garab dhaqaale, hiil iyo hoohba lagarab istaagno maamulkeena Galmudug. 

Waxaa barnaamijka shaqo hufan ama mid dhaqaale ka gaystay guddiga jaaliyada Galmudug ee San Diego iyo xubnaha kale ee kaalinta dhaqaale ka qaatay soo dhaweynta gudoomiayaha iyo waftigiisa, waxaa mahad gaara loo dirayaa  C/qadir Kuluc, C/qadir Khayre, Cabdi Salaad iyo C/aziz Xogolof.

C/aziz Xogolof

San Diego, California

xogolof@hotmail.com

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|