|
Jaamacadda Gaalkayo iyo 6 October Egypt.Daawo sawirada
Aug,30,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Jaamacadda Gaalkayo iyo 6 October Egypt.






Taariikhdu Markey ahayd 27 August 2010, ayaa Eng. Axmed Khaire Ingiriis, Xoghaya Guud ee Hayadda Mufed(Mudug Foundation for education development) oo ah hayadda maamusha Jaamacadda Gaalkacyo wuxuu shir kula qaatay qaar ka mid ah jaalliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada 6 Otober ee dalka Masar.
Xoghayuhu wuxuu waalidiinta Sooomaaliyeed oo qaar badani caruurtooda ay ka kala keeneen wadamo kala duwan sida Europe iyo wuqooyiga Ameerika uu ka siiya warbixin faahfaahsan Jaamacadda Gaalkacyo oo ah Jaamacad Cusub oo bisha September 2010 laga furi doono magaalo madaxda Galmudug ee Gaalkacyo.
Jaamacaddu waxay ka kooban tahay wajiga koowaad afar kulliyadood oo isku mar ka furmaya Gaalkacyo oo kala ah – Medecine, Health Science, education iyo Computer Science ayadoo ay jiraan qorshe ah wajiga labaad oo lagu siyaadin doono Jaamacadda kulliyado kale.
Waalidiinta qaar badan oo ka mid ah waxay aad u bogaadiyeen hawsha culus oo ka qabteen aqoonyahanku aasaasiyadda Jaamacaddaas oo ay sheegeen in ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto ardeyda dugsiyada sare ka soo baxday sannadkan ee Gobolada dhexe, klilka shanaad ee Ethiopia iyo waliba kuwo badan oo ka kala imaan doona koofurta soomaaliya.
Waalidiin badani waxay soo jeediyeen in ardey badan oo ka imaan doonta wadamada debedda maamulka jaamacaddu uu u sameeyo jiif iyo cunto waalidkuna ay kharajka la bixi doonaan.
Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud eng. Axmed Khaire wuxuu ku bogaadiyey Jaaliyadaha debedu in ay ka qayb qaataan kafaalo qaadka waxbarashada agoonta iyo dan yarta ku sugan gudaha Soomaaliya oo laga yaabo in ay wax barashada aysan iska bixin Karin. Xoghayuhu wuxuu waalidiinta u qaybiyey warqado loogu talo galay in qofkii ardey ka bixinaya kharaj u soo buuxin karo asagoo waliba waalidka websitka Jaamacadda Gaalkacyo (www.thegu.org) sidii ay ugala soo bixi lahaayeen akhbaarad badan oo khuseeya Jaamacadda, sida araajida dalabka Jaamacadda, warqada xayeesiinta, shuruudaha ardeyda (leaflet) iyo kaararrka kafaalo qaadk ardeyda dan yarta ah.
Xoghaye Axmed Khaiie Ingiriis wuxuu si wanaagsan u faahfaahiyey jaamacadaha ay xariirka wada shaqeyn ay la leeyihiin sida Jaamacadda Banaadir ee Mogadisho iyo hayado kale oo caalami ah.
Ugu dambeyntii xoghayuhu wuxuu waalidiinta uga farxiyey in ay jirto suurta galnimada in ilmaha debedda ka imaanaya loo heli dooono jiif iyo meel ay wax ka cunaan,
Ayadoo waqti kulul oo soon ah lagu jiro, ayaa hadana shirka waxa si wanaagsan u so abaabulay Mahad Maxamed (ninkutoose) oo ah ardey hada ku diyaariya jaamacadda Qaahira darajada loo yaqaan Master-ka..

|