Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
GALMUDUG STATE WAA WADNAHA SOOMAALIYA, CALAASHAAN HALKA AY KU TAAL!!‏

Aug,4,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

GALMUDUG STATE WAA WADNAHA SOOMAALIYA, CALAASHAAN HALKA AY KU TAAL!!‏

Hadeynu nahay Gabdhaha Galmudug ee ku nool magaalada Muqisho iyo deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, waxaan ka codsaneynaa maamulka Galmudug in uu horseed ka noqdo ol-ole iskaa wax u qabso ah oo lagu dhisayo Dekada Magaalada Hobyo iyo wadda bacaadka ah ee xariirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Waxaan ka dooneynaa maamulku in uu shanta la galo howlaha dib u dhiska, maxaa yeelay markii la arko maamulka oo wax qabanaya waxaa sahlanaaneysa in la caawiyo, maxaa yeelay ma jirto cid damiir leh oo iska indha tiraysa ama ku cidleyneysa dib udhiska.

Hobyo oo dekad yeelata waa waxa ka dhiman sumcada maamulka Galmudug state ee bartamaha Soomaaliya, tusaale, isbitalka Gaalkacyo waa Isbitalka loogu jecel yahay  isbitaalada oo dhan, waxaa looga yimadaa Sh/dhexe ilaa Sool, dhaqaale ahaan waxaa ku tiirsan Hoteelada iyo Maqaayadaha magaalada Gaalkacyo.

Ganacsatada iyo Jaalliyada waxaan ugu baaqi lahaa in ay dhameystiraan waxa ka harsan dadaalkooda, waxaan ku leeyahay “Maamul aan Dekad laheyn maamul maahan, Dad aan Dekad laheyn isku filnaansho magaaraan”.

Gabdhaha Galmudug waxay garab taagan yihiin Qof kasta oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaato horumarinta deegaanada Galmudug State, uma dulqaadan doono (QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN), waxaa mahad Alle ah in dadka ay ka koreyn in qol mugdi ah  wax loogu sheego. Maxaa yeelay wacyi galinta ayaa gaartay meel dadka ay kala garan karaan Daneystaha iyo Geesiga dadkiisa wax u qabanaya.

Ugu dambeyntii waxaan ka codsan lahaa saxaafada Galmudug in ay xooga saaraan dib udhiska iyo nabadeynta deegaanada ay ka soo jeedaan, maxaa yeelay markasta waxaa lagugu qiimeynayaa hadba sida aad ugu shaqeysid deegaankaaga.

Xaawo Salaad Kadiye,  Muqdisho, Soomaaliya

Saxafiyad madax bannan oo ka soo jeeda Galmudug.

Xaawo92@hotmail.com

Tell:-0615662322

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|