Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
TACSI. Taariikh Nooleedkii iyo Shaqooyinkii uu soo qabtay Ex-G/Sare Maxamuud Maxamed Liibaan Aftooje

Aug,5,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

TAARIIKH NOLOLEEDKII

MARXUUM G\LE SARE MAXAMUUD MAXAMED LIIBAAN “AFTOOJE”

(1940 – 2010)

Marxuum G\le Sare Maxamuud Maxamed Liibaan “Aftooje” wuxuu ku dhashay magaalada Galkacyo sannadka markuu ahaa 1940kii. Wuxuu waxbarashadiisa asaaasiga iyo midda diiniga ahba ku qaatay magaalada Galkacyo.

Maxuumku wuxuu 1950 yadii u soo guuray magaalada Muqdisho halkaas oo uu ku dhameystay tacliintiisa dugsiga dhexe iyo midka sareba.  Maxuumku wuxuu ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  sannadkii 1961, kana mid noqday Leyli-Saraakiishii tababarka loogu diray Kulliyadda Ciidammada ee dalka Masar. Wuxuu  halkaas ka soo qallin-jebiyay sannadkii 1964 isagoo kaga soo taqasusay qeybta madaafiicda-lidka dayuuradaha.

Sidoo kale, wuxuu kulliyadda Sare ee Abbanduulka iyo Stratejiyada ku soo qaatay dalkii Midowga Sofiyeeti (USSR). Ciidanka XDS wuxuu ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Abbaanduulaha Qeybta 21aad ee Dhuusa Mareeb iyo Taliyaha Qeybta 54aad ee Garowe. Ugu dambeyntii wuxuu ahaa Kuqeybsanaha Arrimaha Ciidammada(Military Attache) ee Soomaliya u fadhiya dalka Masar.

Marxuum G\le Sare Maxamuud Maxamed Liibaan “Aftooje” wuxuu kaloo xagga maamulka dowladda ka soo qabtay jagooyinka kala ah Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Guddoomiyaha Gobolka Jubbadda Hoose.

Taariikh Nooleedkii iyo Shaqooyinkii uu soo qabtay Ex-G/Sare Maxamuud Maxamed Liibaan Aftooje

 

1940-Kii:       Ku Dhashay Galkacyo, Kuna Soo Qaaday Waxbarashadiisa Dugsiga Maagalaada Galkacyo.

1961:             Aaday Kulyada Ciidamada Ee Dalka Masar

1969:             Aaday Kulyadda Abaanduulka Ee Midowgii Suufiyeet

1972:             Noqday Taliyaha Guutada 1-Aad Ee Madaafiicda Goobta Xamar

1973:             Noqday Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida Qeybta Baydhabo

1975-76:      Noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

1977:             Gobolkaas Ayuu Ka Aaday Dagaalkii 77- Ee Ethiopia Lagu Qaaday

1978:             Noqday Taliyaha Gaaska Burco

1979:             Noqday Taliyaha Gaaska Baladweyne

1980:             Noqday Taliyaha Qeybta 21-Aad

1981:             Noqday Guddoomiyaha Gobolka Jubadda Hoose

1986:            Noqday Xoghayaha Xisbiga Hanti Wadaaga Kacaanka  Soomaaliyeed

X.H.K.S. Ee  Jubadda Hoose

1987:             Noqday U Qeybsamaha Arimaha Ciidamada Ee Dalka Masar (Addetto

Militare)

Burburkii Dalka Ka Dhacay Wuxuu Ku Sugnaay Dalka Masar Iyo Mareykanka. Wuxuuna Ku Geeriyooday Wadanka Masar taariikhdu markay aheyd 03/08/2010, Ifkana Wuxuu Kaga Tagay 2-Gabdhood Iyo Xaas

= TACSI =

Sarakiisha magacoodu hoos ku qoran yahay & Guud ahaan Talisyadii Guud ee Ciidammadii Qalabka Siday ee Somaaliya iyo gaar ahaan Ciidankii Xoogga Dalka Somaaliyeed, ayagoo ka tiranyeeysan geerida ku timid Alle ha u naxaristee G\le Sare Marxuum Maxamuud Maxamed Liibaan “Aftooje” oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxeey tacsi u dirayaan Marwada uu ka geeriyooday, caruurtiisa, qoyskii, qaraabadii iyo asxabtii uu ka baxay iyo guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed meel ay joogtaba.

Waxaana Ilaahey uga baryeynaaa inuu  jannadii fardoowsa ka waraabiyo, dhammaantayana samir & imaan Ilaahay naga wada siiyo. Amiin!!!!

Magacyada Sarakiisha tacsida direeysa waa sidatan:

S. Guud Maxamed Cali Samantar

S. Gaas Yuusuf Axmed Salxaan

S. Gaas Axmed Sahal Cali

S. Gaas Ismaciil Axmed Ismaciil

S. Guuto Maxamed Sheikh Cabdulaahi “Bagadi”

S. Guuto Cabdulaahi Cali Cumar

S. Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caare”

S. Guuto Saciid Faarax Warsame "Gooje"

S. Guuto Cabdiraxmaan Cali Maxamed "Bayr"

S. Guuto Maxamed Cali Abokor

S. Guuto Cali Ismaciil Maxamed

S. Guuto Muusse Xasan Sheikh Cabdulle

S. Guuto Maxamed Saalax Xaaji Axmed

S. Guuto Maxamed Aadan Axmed

S. Guuto Cismaan Sheikh Cali “Gaabo”

S. Guuto Axmed Warsame Maxamed

S. Guuto Maxamed Cusmaan Nuur Qaadi

S. Guuto Cabdinasser Xaaji Xaashi

S. Guuto Siyaad Daa'uud Gudaal

S. Guuto Maxamed Xuseen Dauud

S. Guuto Cabdulaahi Axmed Yuusuf “Cirro”

S. Guuto Xuseen Maxamed Shuqul

S. Guuto Maxamed Jaamac Galaydh “Boodhe”

S/Guuto Cabdiwahaab Makaahiil Maxamed Xuseen

S. Guuto Dr. Cabdi Xaaji Xaashi

S. Guuto Cusmaan Maxamed Samantar "Fatiig"

S. Guuto Cabdicasiis Cali Barre

G\le Sare Cabdicasiis Xasan Cali “Uomo”

G\le Sare Maxamuud Moxamed Caseer

G\le Sare Cabdiraxman Sheikh Ciise Maxamed

G\le Sare Cumar Cabdulaahi Handi “Soorag”

G\le Sare Axmed Maxamed Maxamuud “Carab”

G\le Sare Cabdi Cismaan Maxamuud “Firdhiye”

G\le Sare Maxamuud Samantar Axmed

G\le Sare Xaashi Muuse Maxamed

G\le Sare Maxamed Aadan Biixi

G\le Sare Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarsho”

G\le Sare Axmed Maxamed Sheikh Xuseen “Qalcad”

G\le Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji “Afbuur”

G\le Sare Maxamed Hilowle Maxamed

G\le Sare Maxamed Cali Xaashi

G\le Sare Muunye Maxamed Cali “Calawi”

G\le Sare Ibraahim Iikar

G\le Sare Duuliye Maxamed Cabdulqaadir Cilmi

G\le Sare Duuliye Maxamed Barkhadle “Gaarane”

G\le Sare Cabdulaahi Axmed Warfaa

G\le Sare Axmed Sheikh Saalax Maxamed

G\le Sare Cabdirisaaq Isaaq Biixi

G\le Sare Cabdulaahi Warsame Takar

G\le Sare Cabdulqaadir Cabdi Maxamed “Sancho”

G\le Sare Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen

G\le Sare Dr. Cabdulaahi Aadan Gaas

G\le Sare Dr. Cali Nuur Axmed

G\le Sare Dr. Abdiraxmaan Sheikh Abukar « Bakaa »

G\le Sare Xassan Ugaas Yasiin Abdirahman

G\le Sare Maxamed Faarax Caliyoow

G\le Sare Cabdulqaadir Maxamed Galbeeti (X)

G\le Sare Axmed Sheikh Maxamed

G\le Sare Muuse Maxamed Abtiyow

G\le Sare Bashir Guuleed Maxamed

G\le Sare Maxamed Faarax Wacays

G\le Sare Maxamed Xasan Xuseen “Dhool”

G\le Sare Hassan Mohamed Ali

G\le Sare Abdullahi Dirie Jama

G\le Sare Abukar Haji Warsame “Xuut”

G\le Sare Duuliye Ali Mohamed Hassan

G\le Sare Saciid Axmed Kediye

G\le Sare Muxuyadin Macalin Cali

G\le Sare Bashir Sheikh Yusuf

G\le Sare Dirir Abdi Ibrahim

G\le Sare Cabdiladiif Sheikh Xussen

G\le Sare Xasan Cali Qeyloow

G\le Sare Abdirahman Yusuf Ismail

G\le Sare Cali Aaden Guleed

G\le Sare Faaduma Diiriye Jaamac

G\le Dhexe Xaawa Cali Diiriye

G\le Dhexe Xaliima Aadan Kukaay

G\le Dhexe Xaawa Xuseen Sadiiq

 

Sidoo kale waxaa tacsidan iy murugadan qayb ka ah dhammaan Sarakishii, S\Xigenkii iyo Dableydii hore ee Ciidankii XDS oo dacalada adduunka ku kala firirsan. Marxuum Maxamuud Maxamed Libaan, jannadii fardoowsa Alle ha ka waraabiyo, dhammaantayana samir iyo imaan Ilaahay ha naga wada siiyo. Amiin!!!!

 

 

Waxaa nasoo gaarsiiyay

 

G\Sare C/qadir Max'ed Warsame Galbayte (EX)

 

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|