|
Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen ururura waxbarashada ka shaqeeyo ee deegaanada galmudug ayaa ka dhacay xarunta jaamacada Mudug University ee magaalada Gaalkacyo.
Sept,10,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen ururura waxbarashada ka shaqeeyo ee deegaanada galmudug ayaa ka dhacay xarunta jaamacada Mudug University ee magaalada Gaalkacyo.


Ururadii waxbarashad ee shirkaasi iskuguyimid ayaa kalaahaa: Al.Ixsaan,Samatariyah, Al.Mumin iyo SOSDA kuwaasi oo dhamaantood gacanta ku haya inya badan waxbarashada kajirta deegaanada Galmudug.


Kulankan oo dabasocday kulamo dhoor ahaa oo ay wadayeesheen ururadan aan kor kusoo xusnay ayaa looga arinsanayay horumarinta qaybaha kalduwan ee waxbarasha, sigaar ah hirgalinta jaamacada ( Mudug University ),


Kasoo qaybgalayaasha shirka oo iskugujiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Culimada,Ganacsatada,Aqoonyahanada,Waxagaradka iyo Dhalinyarada kuwaasi oo dhamaantood muhiimna u ahaa mowduuca laga hadlayay ayaa waxaa kadhexmuuqday Sh.Cumar Xasan Cawaale (Awoowe), Sh.Muxyadiin Yuusuf Barre, Sh.Nuurdiin Sh.Xasan Xuseen Naaleeye, Sh.Cismaan Maxamed Macalin, Dr: Maxamed Xaaji Erag,Ganacsade: Yuusuf Jaamac Ducaale, Ganacsade: Cali-saciid Garaad Nuur iyo xubnokale oo badan.
Gabangabii kulan ka waxaa halkaa looga dhawaaqay guddi ka kooban 17 xubnood oo iskugujira dhamaan dhinacyada shirka kaqaybgalay iyadoona howsha gudigaa ay noqondoonto dardargalinta howlaha waxbarashada Galmudug sigaar ah dhaqaajinta howlaha jaamacada ( Mudug University ).
Dadka saadaaliya horumarka Galmudug ayaa kutilmaamay kulankan in uu yahay guultaariiqi ah oo ay gaareen ururadan ka shaqeeya horumarinta arimaha bulshada sigaar ah waxbarashada.
Waxaa xusid mudan in deegaanada Galmudug ay ku yaalaan in kabadan 32 School kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan ururada aan kor ku soo xusnay, marka lagareebo 1 School kaas oo lagu macaabo Al.SHACAB,
War ay siwadajir ah u soosaareen ururadaani ayaa lagu yiri “waxaan taareernay oo aan soo dhaweynaynaa dadaalada ay wadaan aqoonyahanada reer Galmudug ee kukala nool dalka iyo dibadda didaalkaas oo ah furitaanka iyo kashaqaysiinta jaamacada ( Mudug University ), waxaana lagarab taaganahay maskax iyo maal”.
Gudiga lamagacaabay ayaa durbaba yeeshay kulamo ay uga arin sanayaan dhaqaajinta howlaha jaamacada (Mudug University),
Wixii kusookordha wararkaan dib ayaan idin kalasoo socosiin doonaa

Maxamed C/laahi Cali
Amiin4me@hotmail.com
Galkacyo-Galmudug state-Somalia

|