|
Afahayeenka xoogagga ahlu suuna ee Badbaadada qaranka soomaaliyeed oo Maantay shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Empassy ee Magaalada Gaalkacyo.
Sept,10,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Afahayeenka xoogagga ahlu suuna ee Badbaadada qaranka soomaaliyeed oo Maantay shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Empassy ee Magaalada Gaalkacyo.



Afahayeenka xoogagga ahlu suuna ee badbaadada qaranka soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Gaalkacyo Qaliif Shiikh Xusein ayaa maantay shirkiisa Jaraa'id kaga hadlay Kulamo Baryahaan Dabe ugu Socday Masuuliyiinta Xoogaga Ahlu suna ee Fadhigooda Magaalada Gaalakacyo oo ay kaga arinsanayeen Xaaladu uu Haatan Dalku Kusuganyahay iyo arimo Quseeya Xoogaga Ahlu suna, Falaaqeen iyo dood dheer Kadib Waxa ay kasoo saareen Go'aamadaan.
In Xoogagga ahlu sunna ee badbaadad qaranka ee saldhigoodu yahay magaalada Gaalkacyo waa jibkoodu uu yahay badbaadinta caqiidada suuban iyo qaranka soomaaliyeed waana dib u xuraynta iyo badbaadad ummadda soomaaliyeed.
Xoogagga ahlu sunna waxa ay ka hawlagalaan Gobolada Mudug, Galgaduud Barigeeda Iyo Waqooyigeeda iyo Waqooyiga Gobolka Shabeelada Dhexe halkaasoo ciidamadoodu Ka hoolgalaan.
Xoogagga ahlu sunna waxaa ku midaysan Beelaha Dagan Gobalada Mudug iyo Galgaduud Kuwaas oo kala ah, Beelaha Sacad,Saleebaan, Murusade,Qubays, Abgaal, Duduble, Saruur, iyo Beesha Wagardhac.waxayna u jeedaduudu tahay in ay mideeyaan dhammaan xoogagga ahlu sunna ayna soo dhaweynayaan culuma a'udiinka iyo ciidamada ahlu sunna meel kasta oo ay joogaan si loo gaaro u jeedada dhabta ah ee ahlu sunna waljameeca.
Khaliif Sheekh Xuseen ayaa Sidookale ka hadlay shirar isdaba joog ah oo ka dhacay dalka Ethiopia wax uuna Sheegay in shirkaasi aysan jirin cid uga qeybgashay ama wakiil uga ahayd xoogagga ahlu sunna ee badbaada Qaranka soomaaliyeed Isagoo shirarkaasi ku tilmaamay mid ay horboodayaan shaqsiyaad dana gaar ah wata oo aan ka tarjumi karin geedi socodka Xoogaga ahlu sunna .
Afahayeenka waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in laga badbaadiyo ummadda soomaaliyeed dhibka iyo Aafada ku habsatay kaasoo oo ay ku hardamayaan la haystayaal u adeega xoogag shisheeye iyo manaxayaal diinta ku adeegta waa sida uu halka U dhigay.
Uga danbayntii waxa uu sheegay in xoogagga ahlu suuna ee badbaadada qaranka soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan cid walba oo wax u qabanaysa umadda Soomaaliyeed ay Dagaaladu la hareen mudo 20sano ee lasoo dhaafay.
Farxaan Maxamud Xareed
Hobyo Radio Gaalkacyo
farxaanxareed@hotmail.com

|