|
Waxaa manta airport Galkacyo ka soodagay hogaanka kuliyada caafimaad ka ahna madaxa xiriirka dibadda ee jaamacada ( Mudug University ), Mr: Xasan Cali Guray
Sept,10,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug
Dhagayso
wararkii
Idaacada
Hobyo ee
Jan,19,2010
Dhagayso
Waxaa manta airport Galkacyo ka soodagay hogaanka kuliyada caafimaad ka ahna madaxa xiriirka dibadda ee jaamacada ( Mudug University ), Mr: Xasan Cali Guray



Diyaaradii siday mas’uulkan katirsan jaamacada ( Mudug University ), ayaa soo cagadhigatay 2dii huhurnimo xiliga geeska Afrika, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug,Culimo owdiin,dhalinyaro iyo ururada waxbashada gobalka. iyo gudoomiyaha golaha Galmudug Hiiraan Releshinship Devolopment commitee mudane Mahamed Huseen Olow.



Hogaanka kuliyada caafimaadka ahna madaxa xiirka dibadda jaamacada (Mudug University ), mudane Xasan Cali Gurey oo hadal kooban saxaafada kusiiyay gudaha garoonka ayaa u mahad celiyay masuuliyiintii iyo dad weynihii soo dhaweeyay wuxuuna carabka ku dhuftay in uu halkan u yimid sidii loo dhaqaajinlahaa howlaha jaamacada.



Hadalkaasi kooban kadid Xassan Cali Gurey iyo masuuliyiintii soo dhaweysay waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka iyo xarunta jaamacada ( Mudug University ), oo ay siwadajir ah u soo kormeereen.


Intaasi kadib waxaa loosoo galbiyay hotelka caalimiga ah Embassy ee magaalada Gaalkacyo. Waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulamo laqaato qaybaha kaladuwan ee bulshada, haba ugu muhiimsanaaadeen qayta waxbarashada.
Aqrista yaasha sharaftaleh ee daneeya horumarka Galmudug waxaan u balan qaadaynaa in in aan lasocodsiino hadba meesha ay waxmarayaan INSHA ALLAH .
Maxamed C/laahi Cali
Amiin4me@hotmail.com
Galkacyo-Galmudug state-Somalia

|