Shir Horumarinta Nabadgalyadda, Caafimaadka Iyo Waxbarashadda Looga Hadlayo Oo Ka Dhacey Gaalkacyo/Soomaaliya.  

Sept,10,2007 www.Hobyoradio.com

Waxaa Taariikhdu Markey aheyd 04/09/2007 ka dhacey Hotel Geedi Magaaladda Gaalkacyo shir looga hadlayey nabadgalayadda, caafimaadka iyo waxbarashadda deegaanadda ay ka mid ka yihiin Budbud, Bitaale iyo Afbarwaaqo ee ka tirsan  Koonfurta Mudug. Shirkan waxaa ka soo qeybgaley  madax ka tirsan maamul gobaleedka Gal-Mudug, aqoonyahano, odoyaasha dhaqanka, culumaa’udiin iyo indheergarad.  

Ugu horey waxaa shirka kalimad diini ah ku furey Shiikh C/Qaadir Axmed Faarax oo ah shiikha degmadda Budbud. Wuxuuna ka hadley sida ay diinta Islaamku ahmiyad weyn u siiso Nabadda, Caafimaadka iyo waxbarashadda. Wuxuuna Shiikhu sheegay inaan nabadgalayadda, caafimaadka iyo waxbarashadda  la’aantood aan la noolaan karin.

Sh. C/Qadir

Gudomiye Digsi

Xasan Xaaji Dheere

Waxaa sidoo kale ka hadley gudumooye ku xigeenka Gobolka Hobyo ee dowlad goboleedka Gal-Mudug State, Cabdullaahi Yuusuf Geeleed (Digsi) Wuxuuna aad uga hadley xoojinta nabadgalyadda oo uu yiri waa in geed dheer iyo geed gaaban loo fuulaa si loo helo deegaan nabdoon oo waxbarasho iyo caafimaad laga hirgalin karo. 
 

Waxaa kaloo ka hadley nabadoon Geeseey Maxamuud Guuleed isagoo aad uga hadley xaalada caafimaad isagoo sheegay inaysan ka jirin goob caafimaad deegaanadaas balaaran una jiraan Gaalkacyo masaafo ka badan 180 km iyadoo baabuurka gaarka ah ee soo qaada qofka  jiran uu ku kaco ilaa $300 (Saddex boqol oo dollar), iyadoo inta badan ay timaado in qofka mariilka ahi dhex isaga dhinto.  

Waxaa ka loo ka hadley nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani (Qabiilo) wuxuu ka hadley nabadda isagoo si gaar ah farta ugu fiiqey in aan dadka dariska nala ah si wanaagsan ula dhaqano ciddii aan wax kala tabaneynana aan wadahal iyo wadaxaajood ku dhameysano si aan nabadgalyo buuxda ku gaarno, una helno bacdigeed caafimaad iyo waxbarasho tayo leh.

Abdirisaq Af-yare

Ahmed-Gobe

Aweys Shiikh 
 
 

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadley Cabdirisaaq Af-yare oo sheegay in deegaanka Afbarwaaqo uu ahaa taariikh ahaan mid waxbarashadda heer sare ka joogey isagoo intaa ku darey in uu waxbarashadda hoose iyo dhexe 1975 – 1981 ku soo qaatey magaalada Afbarwaaqo waxbarashadiisii sare iyo jaamacadna uu ku qaatey Muqdisho iyo inuuu ka xun yahay in maanta aysan ka jirin wax waxbarasho iyo adeeg caafimaad ah iyo nabad midna.

Waxaa sidoo kale ka hadley maamule ku xigeenka dugsiga sare ee Shacabka Maxamuud Aaden Cabdille isagoo si gaar ah uga warbixiyey heerka hoose ee nabadgalyadda, waxbarashadda iyo caafimaadka gobolku marayo iyo sida loogu baahan yahay in la dardargaliyo sidii salka looga soo unki lahaa, loona dhameystiri lahaa hadey ahaan laheyd  wadahadal nabadeed oo lala galo dadka aan ood wadaagta nahey si ay noogu suurtogasho  abuurid adeegyo caafimaad iyo waxbarasho.  
 

Sidoo kale, waxaa halkaa ka hadley Axmed Cali Aaden (Goobe), wakiilka hey’ada IHSAAN INTERNATIONAL ee gacanta ku heysa dhismaha cusbitaalka & dugsiga hoose/dhexe ee degmadda Budbud iyo Bitaale ee fadhigeedu yahay U.K. Wakiilku wuxuu aad carabka ugu adkeeyey sida ay lagama maarmaan u tahey in aan gacmaha isqabsano dhamaan dadka deegaanka degan, nabad iyo walaalnimona lagu wada noolaado, lana horumariyo barnaamijyadda waxbarashadda iyo caafimaadka sida wada jir ah. 
 

Ugu dambeyn waxaa shirka soo afmeeray xiriiriyaha waxbarashadda iyo caafimaadka ee deegaanadda  Budbud, Bitaale iyo Af-barwaaqo, ahna maamulaha dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Shacabka, Axmed Aaden Cabdille, lahaana qabanqaabadda iyo casumaadda shirkan ayaa  warbixin dheer oo nabadda, caafimaadka, waxbarashadda, heerka adeegyadda bulshadda iyo nolosha dadka deegaanka ka dib wuxuu soo jeediyey talooyinkan: 
 

  1. In wafdi (Dhaqaatiir, Nabadoono, Saraakiil iyo Aqoonyahano), qiimeyn ah loo diro deegaanaddan.
  2. In wadahadalka nabadeed la sii wado cid kasta oo xurguf na dhex marteyna aan gogol nabadeed u dhigno.
  3. In laga abuuro adeeg caafimaad deeganadda Budbud, Bitaale, Afbarwaaqo iyo deegaanadda ku xeeran.
  4. In  la soo kormeero cusbitaalka iyo dugsiga hoose/dhexe ee Budbud.
  5. In natiijadda shirkan iyo tan ka soo bixidoonta sahanka qiimeynta loo diro jaaliyaddaha dibadda ee deegaanka.

Gabagabadii, waxaa hoosta laga wada xariiqey lana gudoonsadey in qodobadda kor ku xusan la fuliyo sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah. 
 

Ka qeybgalayaasha shirka waxaan ka xusi karnaa: 
 

  1. Gud. Kuxigeenka gobolka Hobyo, Nabadoon Cabdullahi Yuusuf Guuleed (Digsi).
  2. Shiikh C/Qaadir Axmed Faarax (Shiikha Degmadda Budbud).
  3. Nabadoon Geeseey Maxamuud Guuleed
  4. Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani (Qabiilo).
  5. Axmed Aaden Cabdille Takar.
  6. Maxamuud Aaden Cabdille.
  7. Axmed Cali Aaden (Goobe).
  8. C/risaaq Af-yare.
  9. Aweys Sh. Axmed Jaamac.
  10. Cabdi-Birre Maxamed Warsame.
  11. Hurfe Maxamuud Kulmiye
  12. Xasan Xaaji Dheere

Ahmed A. Abdulle

Gaalkacyo,Galmudug State of Somalia

Hogaamiye Kooxeedka Cade Muuse.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com