![]() |
||
|
|
||
|
Wafdi
Qiimeyn
Ah Oo U
Anbabaxey
Deegaano
Ka
Tirsan
Koonfurta
Galmudug
State.
Sept,12,2007 www.Hobyoradio.com
Ka dib markii shir looga hadlayo nabadgalyadda, caafimaadka iyo waxbarashadda oo 04-Sept-2007 ka dhacey magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa la go’aansadey in 06-Sept-2007 wafdi qiimeyn ah loo diro deegaano ka tirsan Koonfurta Galmudug sida Budbud, Bitaale iyo Af-barwaaqo.
Cabdicasiis Maxuud Dalab Gudoomiye Digsi Axmed Aaden Abdille. Agaasime Busuri Dr Maxamed Abdi Axmed Axmed Cali (Goobe) Naasir Madaxey Wafti Balaaran ayaa ka ambabaxey magaaladda Gaalkacyo Khamiis, 06-Sept-2007 02:30 galabnimo waftigan oo ka koobnaa dhaqaatiir, nabadoono, aqoonyahano iyo waxgarad kale ayna horkacayeen: Agaasimaha Isbitaalka G/Kacyo, ahna agaasimaha hey’adda horumarinta GalMudug (MDO) Dr Maxamed Cabdi Axmed, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hobyo, Cabdullahi Yuusuf Guulleed (Digsi), Shiikha degmadda Budbud Shiikh C/Qaadir Axmed Faarax, Agaasimaha caafimaadka dowlad goboleedka Gal-Mudug State, Dr Busuri, Nabadoon Geeseey Maxamuud Guuleed, Xiriiriyaha waxbarashadda & caafimaadka deegaanadda Budbud, Bitaale iyo Af-barwaaqo ahna maamulaha dugsiga Sare ee Shacabka/Gaalkacyo Axmed Aaden Cabdille Takar, wakiilka hey’adda IHSAAN INTERNATIONAL ee dhistey Isbitaalka & dugsiga hoose/dhexe ee Budbud Axmed Cali Aaden (Goobe), nabadoono iyo aqoonyahano kale. Waftigu waxey gaareen deegaanadda Ceel Faarax Geedi 03:00 galabnimo, Docole 03:05 galabnimo, Carfuuda 03:15 galabnimo oo wafdigu salaadii casir ku tukadey, wuxuuna ka anbabaxey 04:15. Waxeyna gaareen tuuladda Ooman 04:40 galabnimo, Galcadale 05:19 galabnimo, Dajimaale 08:00 fiidnimo, Xingod waxaa 08:30 fiidnimo ku soo dhaweeyey odoyaasha iyo dadweyne kala duwan waxeyna u sii galbiyeen degmadda Budbud oo ay cagaha dhigeen 09:30 fiidnimo halkaas oo ay ku sugayeen kuna soo dhaweeyeen dadweynaha kala duwan ee deegaanka. 07-Sept-07 07:00 subaxnimo wafdigu waxey bilaabeen kormeerkoodii xaaladda guud iyo nololeed ee deegaanka waxbarashada iyo caafimaadka. Gud. Budbud Aden Madobe. Ahmed A. Abdulle Degmada Budbud Ee Gobolka Hobyo, Galmudug State of Somalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||