![]() |
||
|
|
||
|
Banaanbax
Balaaran
Oo Lagu
Soo
Dhaweeyay
Wafdiga
Gaarey
Degmada
Budbud
ee
gobolka
Hobyo
(DG)
Galmudug
State.
Sept,13,2007 www.Hobyoradio.com
Banaanbax balaaran oo ay sameeyeen dadweynaha Degmada Budbud ayna ku soo dhaweynayaan wafdi qiimeynta nabadgalyadda, caafimaadka iyo waxbarashadda deegaanka ayaa wuxuu ka dhacey nawaaxiga Isbitaalka dhismihiisu soo gaarey dhamaad.
Dugsiga H/Dhexe ee Budbud. Ardey dugsiga hoose/dhexe ee Budbud oo qiimeyn waxbarasho lagu sameynayo. Isbitaalka Budbud ka kooban shan qol. Banaanbaxaas waxaa ka hadley Shiikha deegaan oo kalimad cabsida Alle ku saabsan ka jeediyey. Sidoo kale, waxaa halkaa ka hadley: Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hobyo, Cabdullaahi Yuusuf Guuleed (Digsi), Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo/MDO Dr Maxamed Cabdi Axmed, Agaasimaha Caafimaadka Gal-Mudug State Mudane Busuri, Xiriiriyaha Waxbarashadda deegaanka/Dugsiga Sare Shacabka Gaalkacyo Axmed Aaden Cabdille, Nabadoon Cabdullaahi Ciise Faarax (Cagajoof), Nabadoon Geeseey Maxamuud Guulleed, Gudoomiyaha degmadda Budbud Aaden Cilmi Dheere (Aaden Madoobe), Gud. Dhalinyaradda Maxamed Xaaji Aaden Dhagacaleen, Gud. Haweenka Faadumo Diiriye Sahal iyo waxgarad fara badan oo deegaanka ah. Wafdigu waxey shirar kala duwan la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshadda degan deegaan. Waxaana shirarkaas looga hadlayey nabadgalyadda, caafimaadka iyo sidii loo taabogalin lahaa waxbarasho tayo leh. Shiikha Budbud, Dr M’ed Abdi. Ahmed Takar. Gud. Digsi. Nab. Geesey. Bulshadda reer Budbud oo isugu soo baxey banaanbaxa lagu soo dhaweynayo wafdiga iyo furitaanka cusbitaal Budbud leedahay. Wafdigu waxey kaloo shirar gooni gooni ah la yeesheen qeybaha bulshadda iyadoo diiradda la saarayo arimaha nabadgalyadda, caafimaadka iyo waxbarashadda oo runtii aad la iskula fahmey dadka deegaankuna waxey muujiyeen biseyl farabadan iyo sida ay ugu heelan yihiin iney arimahan u istaagaan dhaqangalintooda.
Gud. Degmada Budbud Aden Madobe. Ahmed A. Abdulle Degmada Budbud Ee Gobolka Hobyo, Galmudug State of Somalia Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||