|
iimaan Xasan Jiiraw Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug oo maanta Xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Maxamud Guure Guuled.
Sept,14,2011
www.Hobyoradio.com

iimaan Xasan Jiiraw Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug oo maanta Xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Maxamud Guure Guuled.








Munaasabad Balaaran oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne Ku xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Galmudug C/Samad Nuur Guuleed, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Maxamud Xasan Baasto, Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Maxamud Guure Guuleed, Gudoomiyihii hore ee Gobolka iimaan Xasan Jiiraw, Duqa Cusub ee Dagmada Gaalkacyo Farxaan Xasan Jeey, Sheekh Muxidiin Yuusuf Bare, Ururada bulshada Rayidka, Hawwenka, Dhalinyarada iyo Marti sharaf kale, ayaa maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Gaalkacyo.
Waxaa Munaasabadaan salka ay ku haysay Xil wareejin uu sameynayay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug iimaan Xasan Jiiraw, ayadoona Xilka uu ku wareejiyay Maxamud Guure Guuleed Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka, iimaan Xasan jiiraw ayaa halkaasi ka hadlay waxa uuna ugu horayn cadeeyay in uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Maxamud Guure, Asagoona sidoo kale ka hadlay Waxqabadkii uu sameeyay mudadii 3bilood ahayd ee si rasmi ah xilka u hayay, Waxa uuna intaa ku daray in 4bilood ka hor madaxweynaha uu xilka ka qaaday, islamarkaana uu intaas asaga ku sime ahaa.
Sidoo kale Maxamuud Guure Guuleed Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug ayaa halkaasi ka hadlay, Asagoona ugu horayn u mahad celiyay dhamaan ka soo qayb galaysha Munaasabada xilka uu kula wareegayo, waxa uuna dhankiisa daaha ka qaaday in wax badan uu ka badali doono habsami u socoda Gobolka iyo marxaladaha haatan uu Gobolku ku sugan yahay.
Ugu danbaytii Waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Galmudug C/Samad Nuur Guuleed, Waxa uu marka hore u mahad celiyay Dhamaan inta ka soo qayb gashay Munaasabada, Asagoona carabka ku dhuftay in iimaan Xasan jiiraw aan xilka looga qaadin Sababo la xiriira in uu waajibkiisa gudan wayay, islamarkaana waxa uu cadeeyay in mudadii yarayd uu sameeyay hormar dhan walba ah, Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu danbaytii soo dhaweeyay masuulkaan cusub ee xilka la wareegay Asagoona u rajeeyay shaqo wanaagsan uu la yimaado iyo sidii Gobolka uu ku hormarin lahaa.
Dhan Walba hajirtee Xil wareejintaan ayaa timid kadib markii Dhawaan Madaxweynaha Galmudug uu wareegto ku magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Maxamud Guure Guuleed, hase yeeshee lama oga isbadalka uu keeni karo Masuulkaan Cusub ee Gobolka Mudug horkici doona.
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|