|
Kulan looga hadlayay amaanka oo ka dhacay degmada Burtinle ee gobolka nugaal.
Sept,16,2011
www.Hobyoradio.com

Kulan looga hadlayay amaanka oo ka dhacay degmada Burtinle ee gobolka nugaal.
Shirkaani ay maanta yeesheen Mas’uuliyiinta degmada Burtinle ee gobolka Nugaal iyo dad kasoo jeeda gobolada Koofureed ee Soomaaliya ee ku nool degmadaasi ayaa waxa ay kaga hadleen kulankooda xaaladda amaan ee degmada oo mudooyinkii u dambeeyay ay ka jireen dhibaatooyin loo geysanayo dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa kulankooda waxa ay diirada ku saareen sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinkaasi islamarkaana gacan looga geysan lahaa xasilinta amaanka deegaanka, waxaana kulanka kadib Saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha degmada Burtinle Axmed Faraax oo sheegay in wax badan laga qabanayo dhibaatooyinka loo geysto dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee ku nool degmadaasi inay la shaqeeyaan laamaha amaanka Maamulka si gacan bir ah loogu qabto amaanka degmada loogana hortago dadka dhibaatada wada.
Kulankaani ayaa waxa uu imaanaya xili maalmihii u dambeeyay Maamulka Punland lagu eedeynayay in uu dhibaato u geysto dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee halkaasi ku nool.
liibaan c/laahi faarax qaran
libaanqaran10@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|