Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Gen: Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, oo Maanta ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Sept,16,2011 www.Hobyoradio.com

 

Gen: Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, oo Maanta ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.



Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha, Sareye Gaaz Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Gigada Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, Ayadoona halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinka tirsan Galmudug, oo ay ka mid ahaayeen, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Maxamud Xasan Baasto, Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Maxamud Guure Guuleed, Gudoomiyaha Gobolka Hobyo Cali Ducaale, Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada kala duwan, Ururada Bulshada Rayidka sida Odayaasha, Haweenka, iyo Dhalinyarada Galmudug.

Sidoo kale Soo dhaweynta Gen Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa ka qayb qaatay, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, oo uu ka mid yahay Taliyaha Guud ee Ciida
mada Puntland Siciid Dheere, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Puntland Axmed Cali Salaad iyo Masuuliyiin kale.

Gen Cabdi Qaybdiid ayaa loo soo galbiyay Hotelka Embassy ee Magaalada Gaalkacyo, Asagoona halkaasi kula hadlay dhamaan dadkii soo dhaweeyay, waxa uuna ugu horayn u mahad celiyay intii ka qayb qaadatay soo dhawayntiisa, Cabdi ayaa carabka ku dhuftay in Galmudug is badal laga doonayo, islamarkaana hadalka intii badnayd ka gaabsaday, waxa uuna ku soo gaba gabeeyay dib ayaa iska warsan doonaa.

Dhan walba hajirtee Imaanshaha Gen Cabdi Xasan Cawaale ayaan la ogayn wuxuu salka ku hayo hase yeeshee waxaa la xasuustaa in horay magaalada Gaalkacyo u yimid Asaga oo ah Gacansiiye Galmudug, islamarkaana sidoo kale dhex dhexaadin ka sameynayay Colaado xiligaasi ka jiray Gobolka Mudug, waxaase dadku is weydinayaan socodaalka Gen Cabdi qaybdiid xiligaan.

Siciid jaani
Hobyo Media Network Gaalkacyo and Ceel Guula
siciidjaa@hotmail.com

Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|