Masu’uliyiin ka Socota Ururada Samafalka,Jaaliyada Dibada ee u dhashay GalMudug  IYO Warbaahinta hobyoradio oo Safar kor Meer ah ku Tagay Gobolka Hobyo ee dowlad goboleedka Galmudug State.{ Daawo Sawirada Xeebta hobyo}

Sept,16,2007 www.Hobyoradio.com

Masuliyiinta kala ah C/Naasir C/laahi Cabdi {shuuke xogolof } oo ah agaasimaha guud ee uruka SOSDA ee ka hawl gala Gobolka Mudug ee dawlada goboleedka Gal-Mudug State,Daahir Abshir Max’ed oo ka mid ah jaliyada dibada Gal-Mudug ee dalka Sweden kana mid ah hawl wadeenada ururka Daryeel, iyo Wariye Cabdalla Max’ed Cabdille oo ah wakiilka Idaacada hobyoradio ujooga gobolka Mudug  ayaa dhawaan booqsho ku tagay Magaalada Madaxda gobolka hobyo Ee Degmada Xays (DG) Galmudug State.

                             { Daawo Sawirada Xeebta hobyo}

 

Waxaan ka anbabaxnay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta dawlada gobleedka Gal-Mudug Saacadu amrkii ay ahyd 11:00 Duhurnimo ee xiligaGaalkacyo waxaan ka koobnayn 6ruux oo darawalku ku jiro waxaan wadanay gaari  nooca loo yaqaan Land-Curusar waxaan u an baxbaxnay wadada dhinaca bari kaga baxda Galakcyo iskuna xirta magaalada Gaalakcyo iyo gobolka Hobyo ujeedkeenu waa inaan gaarno gobolka Hobyo walow ay jireen meelo badan oo aan ku ii hakanay waxaan sii marnay degmooyin iyo tuulooyin farabadan sida: Laasa_Cadale,Xiban Saxariir,Docol,Biyo Maco,Wargalo, Gal-barwaaqo, Rakan, Toore, Cel-Guula, Mirsaale, Hadiley, Afguduudle, Lulubsho, iyo degmada Wisil oo aan habeenkii ugu horeeyay safarkeena aan ku hoyanay oo si weyn naloo soo dhaweeyay casho iyo jiif wanaagsan aan kahelnay dadka deeganka, Wisil waxaan ka an babxnay Aarornimadii hore waxaa sii wadanay safarkeenii waxaa saacado badan nagu qaatay wada isku xirta degmada Wisil iyo tuulada Gawaan oo aad uu bur bur xoogani uga muuqdo gaar ahaan meelaha biyo mareenka ah am waadiyada oo gawaarida dhib weyn ku haysa  waxaan 7:30 subaxnimo gaarnay tuulada Gawaan oo ka mid ah deeganda dawlad goboleedka Gal-mudug, anagoo halkaasi ka quraacanay in yar kadibna waan ka soconay oo safarkeenii sii wadanay waxaa xusid mudan in markii aan in yar ka socanay Gawaan ay wadada meelo ka mid ah aan dhisme inta tabteena ah ku samaynay maadaama ay ahayd meel ubaahan in labuuxiyo oo jay iyo carkaawo lagu shubo. waxaan sii marnay  tuulada Saqiiro oo qiyaastii Hobyo ujirta 35km Saacadu markii ay ku beegnayd 9:30-kii Subanimo ayaan gaarnay halkii aan hiigsanaynay hamigeenuna ahaa ee magaalo madaxda gobolka Hobyo ee degmada Xays ee DG Galmudug State

Waxaa naloo soo dhaweeyay si wanagsan Waxaan ku dagnay guri naloo diyaariyay maadaama la ogaa safrkeenii kadib waxaan aniga Cabdqalle ahaan aan dhex maray magaalda Hobyo si aan usoo indho indheeyo waana markii iigu horaysay oo aan tago Hobyo waan ku farxsanaa maalinkaasi inaan joogo magaalo qiimo badan walibana warbaahinta aan ushaqeeyo oo magaca wadaagaan hobyoradio.com

Magaaalada Hobyo oo 260 km. Dhinaca bari kaga began magalada Gaalkacyo waa magaalo qadiimi ah oo laf dhabar u ah guud ahaan dalka Soomaliya waa magaalo markii aad dhaaha saarto aad dareemaysid in ay tahay goob nolosha bani aadamka ku wanaagsan saxan saxda, qabowga naftu jeceshay taasoo ay usii dheertahay in ay tahay magaalo xeebeed oo khayraadku dul ceegaago, markii  aad magaalada Hobyo dhex martid waxaad ka dareemaysaa in uu bur bur ka muuqdo dhismooyinka qaar maadaama ay magaaladu soo martay colaado xoogan oo halkaas ku dhexmaray labo beelood saas oo ay tahay hada magaalda waxaa si xawli ah uga socda gancsiga noocyadiisa kala duwan hadii ay ahaan lahaayeen dukaamada,Maqaayadaha iyo guud haan gancsiga magaalada oo aad usareeya. Dadka intoodabadan noloshoodu waxa ay ku tiirsan tahay khayraadka badda ku dhex jira sida libaaxa, Argoostada, Kaluunka, waxaana xiligaan lagu jiraa xili xagaa ah oo baduna ay aad ukacsanayd markii aan tagnay xeebta Hobyo balse doonleyda ayaa waxaa ka muuqday diyaar garow aad ubalaaran oo ay qalabkooda isku xir xiranayeen si ay uga faaidaystaan nimcada alla ku manaysatay badda Hobyo. waxaa marsada Hobyo ku xirnaa doonyo farbadan oo nooca kaluumaysiga ubadan.Dinaca wax barshada magaalda Hobyo waxay leedahay iskuul H/dhexe oo ay dhigtaan arday gaaraysa sodomeeyo dhismaha iskuulka waxaa ka muuqda bur bur xoogan oo ka soo gaaray dagaaldii aafeeyay gobolka Hobyo, magalada waxay leedahay ilaa 5 masaajid oo salaada lagu tukado in kastoo masajida qaarkood ayna uu bur burku dhinac ka saameeyay oo xitaa mecrofonadii la furtay. Isbitalka magaalda Hobyo ayaa ka mid ah meelaha aan tagay oo aan hada shaqeyn balse asaga uusan bur bur weyni kamuuqan dadka degaanka iyo maamulka ayaa ii sheegay in isbitalka uu ka mid yahay meelihii ka bad baaday madafiicdii la is weydarsanayay.  dhismooyinka magaalda waxaad ku arkaysaa qaar gabi ahaantoodba aas may oo ay saamaysay sunaamigii ka kacay bada oo guryo badan ayaa noqday kuwo xabaalan ciiduna ka sarayso sida aad ka dareemaysid sawirda aan ka soo qaadanay Hobyo.

Kooxda Hobyo Star

Kooxda Hobyo Star

Wadad hobyo soo gasha oo Dayactir u baahan

Baabuurta Safarka Hobyo ilaa Gaalkacyo

Magaladii qadiim ah Hobyo

Dudun ku Taal Hobyo Duleedkeeda

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Max’ed Ahmed Sahal

Isbitaalkii Hore ee Magaalada Hobyo

 

Kooxda Hobyo Star iyo Hobyo Qaran oo wada Ciyaaraya

Dhinaca maamulka magaalda hadii aan eegno magaalda waxaa ka jira maamul xoogan iyo ciidamo tayaysan oo nabad gal-yada suga.xiliga aan Hobyo tagay gudoomiyaha gobolka Hobyo Mudane Caalin waxa uu safar uu ku joogay Galkacyo balse waxaan xaafiika maamulka kula kulmay kusimaha gudoomiyha gobolka Hobyo Mudane Max’ed Ahmed Sahal isla markaana ah wasiirka kaluumaysiga  iyo khayraadka bada ee dawlad goboleedka Gal-mudug Satate. wasiirka ayaa xiligaasi waxaa xafiska kula shirsanaa xubno ka tirsan gudiga magaalda Hobyo waxa uu Mudane Max’d Axmed Sahal aan ugu horayntii usheegay inaa ahay wariye ka socda warbaahinta hobyoradio.com kadibna waxaan wax ka waydiiyay xaalda guud ee gobolka Hobyo Mudane Sahal kusimaha gudoomiyaha gobolka Hobyo ahna wasiirka kaluumaysiga iyo khayraada bada dawlad goboleedka Gal-Mudug asagoo aad ufarxsan ayuu ugu horayn umahad celiyay bahda hobyoradio oo uu ku amaanay sida wanaagsan ee ay gobolka uyimaadeen ayna safar intaasi la eg usoo galeen “waxaan si aad ah ugu mahad celinayaa bahda hobyoradio oo runtii si wadaninimo ah noogu yimid gobolka Hobyo ayagoo noqonaya warbaahintii koowaad oo gobolka yimaada waxaan leenahay dadaalkiina waad ku mahadsan tihiin sina wada shaqada wanaagsan ee aad bulshda u haysaan” ayuu yiri mudane max’d Axmed Sahal oo u warmayay warbaahinta hobyo asagoona intaasi kadib sharaax ka bixiyay marxalada uu hada gobolka Hobyo ku sugan yahay oo u sheegay in gobolka maamul wanaagsani ka jiro Sidoo kale waxaa gobolka ka dhisan buu yiri dhamaan gudiyada magaalada sida: gudiga nabada galyada,gudiga,dhaqaalaha,I.W.M.mar aan wax ka waydiiyay arimaha ciidamda gobolka Hobyo iyo halka looga helo dhaqaalha waxa uu kusimaha maamulka gobolka Hobyo sheegay in gobolka ay ka jiraan ciidamo nabad galyada qaabilsan oo gaaraya ilaa 40 Askari oo darayskooda iyo qalabkooda ciidan dhamays tiran yihiin mushaarana waxay ka helaan buu yiri dawlad goboleedka Gal-mudug State oo mushaarkooda bixisa waxa kale oo intaasi kudaray in gobolka canshuur laga qaado o maamulkoodu qaado laguna qabto hawlha muhiimka ah ee dhinacyada wax barshada iyo nadaafada guuud ee gobolka Hobyo.

Ugu danbaytii waxa uu mudane Max’d  Axm’d Sahal baaq ujeediyay dhamaan dadka udhashay gobolka Hobyo ee ku sugan dalka iyo dibada in ay wadanka yimaadaan o ay gobolka Hobyo dib udhis ku sameeyaan “waxaan ugu baaqayaa dhamaan aqoon yahanada haweenka dhalin yarada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada udhalatay gobolka Hobyo ha joogaan dal iyo dibad in ay gobolkooda wax ka qabsadaan oo aqoontooda iyo dhaqaalahooda keenaan halkaan uguna faa ideeyaan bulshdooda”  ayuu yiri mudane Mx’d Ax’d sahal wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda dawld goboleedka Gal-mudu satate ahna kusimha gudoomiyaha maamulka gobolka Hobyo oo waraysi gaar ah siiyay hobyoradio  Muddii aan jognay gobolka Hobyo gaar ahaan magaalda Hobyo waxaan booqanay xeebta bada Hobyo oo aad uqurux badan waxaan kaloo tagnay garoonka kubada cagta oo ay ciyaaro ka socdeen Masu’uliyiintii ila socotay ayaa ciyaartoyday Hobyo waxay usideen qalabka ciyaareed oo lagu gudoonnsiyay waxaana gudaha garonka ka dhacday munaasabad lagu godonsiinaanayay dhalin yarada Sportiga Hobyo qalabka banooniga waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay agaadimaha ururka SOSDA C/naasir C/laahi cabdi {Shuuke xogolof} oo sheegay in ay bahda kubada cagta ee reer Hobyo u wadaan qalabka ciraayha si ay kor ugu qaadaan khibradooda ciyaartoyda Hobyo waxa uuna mudane shuuke xogolof uu ku amaanay cirtoyda reer Hobyo doorka wanaagsan ee ay kaga jiraan ciyaaraha gobolda dalka Soomaliya iyo waliba sida waangsan ee ay uga qayb galeen ciyaar dhawaan ka dhacday Galkacyo. Shuuke ayaa ugu danbayntii kaga digay dhalin yarada reer Hobyo in aysan noqon sida kuwa isbarooyinka fadhiya ee dhibaatada ku hayo dadka socotada ah . waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay Daahir Abshir Maxmuud oo ka mid ah jaaliyada dibada Gal mudug ee Sweden kana mid ah hawlwadeenda uruka Daryeel oo sheegay in markii uu dibada ka imanayay uu ugu soo talo  galay bahda Sportiga Hobyo qalabka ciyaaraha asagoona ku gudoonsiiyay qalab ay ka mid yihin banooniga dhowr xabo ah iyo alaabo kale waxaan ka gudoomay gudomiyaha Sportiga gobolka Hobyo ee Gal-Mudug State C/fitaax Max’d Axmed {farey} oo u mahad celiayay masu’liyiinta SOSDA iyo Daryeel sida wanaagsan ee ay hadyadaha qiimha badan ugu keeneen waxa uuna ugu baaqay dadka udhashay Gal-mudug ee ku sugan dibada in ay kudaysadaan Shuuuke iyo Daahir Abshir ayna qof kasta oo imaanaya gobolka ay ka codsanyaan in qalabka ciyaartoyda soo garsiiyaan. gudoomiye Farey oo markii uu gudoomay qalbkaas ciyaaraha kadib aan wax ka weydiiyay inta koxod oo ciyartoyda ah ee ka jira gobolka Hobyo ayaa waxa uu sheegay in gobolka ay ka jiraan 4 kooxod oo kala ah  1:Hobyo Qaran. 2:Hobyo Masaay, 3:Hobyo polio, 4:Hobyo Star. Oo dhamaantood ka ciyaara gobolka waxa uuna intasi ku daray gudoomiye Farey in ciyartoyda dhibka ugu weyn ee haysta ay tahay garoonka oo si waangsan udhisnayn iyo qalabka ciyaaraha oo ku yarsida kabaha, funaadha oo uu sheegay in ay aad ciriiri ugu yihiin asagoo ugu danbayna umahad celiay war baahinta hobyoradio iyo shaqaa laheeda kana codsaday in cabashadooda ay caalamka ugudbiyaan.Safarka aan kutagnay gobolka Hobyo oo qaatay mudo afar bari ah ayaa kusoo dhamaaday si wnaagsan anagoo dib ugu soo laabanay magaalda Gaalkacyo ee xarun dowlad goboleedka Gal-Mudg State, waxaa xusid mudan in mudadii safarkeena wadada aan wax isbaaro iyo burcad toona aanan la kulmin taas oo cadaynaysa nabada galyada wanaagsan oo halkaasi ka jirta la iskuna halayn  karo gobolka Hobyo  degmada Xays ee DG Galmudug State.

Mahad Gaara Wariye Cabdalla M. Cabdille oo Xuquuqda Sawirada iyo Warbixinta Soo Diyaariyay Safar Dheerna Ku Maray gobolka Mudug iyo gobolka Hobyo Gaar ahaan Degmada Xays ee dowlad goboleedka Galmudug State. By. C/aziz Xogolof

Cabdalla Mxa’d Cabdille

Xaafiiska Hobyo-Galkacyo,

Gal-Mudug State, of Somalia,

 cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com