|
Maamulka Gobolka Banaadir oo Sarakiisha Turkiga Uga Digtay in Goobaha ay al shabaaab
Sept,17,2011
www.Hobyoradio.com

Maamulka Gobolka Banaadir oo Sarakiisha Turkiga Uga Digtay in Goobaha ay al shabaaab Maamulan Deeqaha gaarsiiyaan
Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa Dadka Ajaanibta Ah Ugu Baaqay In Aysan Ugudbi Karin Goobaha Ay Gacanta Ku hayaan Xarakada Kooxda al shabaab oo ay shegeen in aanan la aamini karin ayagoona Dhanka Kale Sheegay in Uu Jiro Qalad Loo Diiwaan Galiyay Dadka baraka cayaasha ah ee Gargaarka U Bahaan ee Ku Nool Muqdisho iyo Gobolda kale ee Dalka
Maxamuud axmed Nurr (Tarsan) oo ah Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Duqa Magalaad Muqdisho oo War Baahinta lahadlayay ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dadka ajaaniibta ah ee aadaya Meelaha ay al shabaab Maamulaan ay kala kulmi karaan Dhibaatooyin xoogan asagoona carabka ku dhuftay in dadkaas ajaaniibta ah ay dowlada kasaaran tahay masuuliyad waxaana uu tarsan sheegay in ay kafeejig naadaan in aysan ugudbaan meelaha ay joogaan Kooxda al shabaab
Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa dhanka kale qiray in ay jirto Muq maasuq uu sheegay in ay ku hayaan horjoogayaasha kaamamka sida ay usoo agaasimaan marka wax laqaybinayo ayagoona la iskaga daba keeno kaamkaasi raashin badan kaamam kalana aan wax lagaarsiin waxaana uu sheegay gudoomiyaha in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono
hadalka gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili maalma kohor ay xabsiga Loo Taxaabay xubno kamid ah gudiga gargaarka dowlada Turkiga kuwaasi oo gar gaar kaqaybiyay duleedka magaalada muqdisho iyo qaybo kamid ah gobolka sh/hoose oo ay gacanta kuhayaan Maamulka Kooxda l shabaab oo si halis ah ay iskaaga Geeyeen Deeqo ay kujirto nafta hagaa go.do ama hakaa qaleyaan
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|