|
Iskuulka Al-Shacab oo shahaadooyin gudoonsiiyay Ardeyda Sanadkan ka qalin jabisay Dugsiyada Sare Iyo Dhexe
Sept,17,2011
www.Hobyoradio.com

Iskuulka Al-Shacab oo shahaadooyin gudoonsiiyay Ardeyda Sanadkan ka qalin jabisay Dugsiyada Sare Iyo Dhexe.











Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana shahaadooyin lagu gidoosiinayay Ardeyda Sanadkan ka qalin jabisay Dugsiyada Sare Iyo Dhexe ayaa waxa ay ka dhacday xarunta iskuulka Al-Shacab.
Xafaladaasi oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin isugu jirta Maamulka iskuulka, Culumo awdiin iyo ganacsato.
Ugu horeyn xafladda waxaa ka hadlay Macalin Maxamed Macalin Abshir waxa uu ardeyda kula dardaarmay in ay aqoontooda uga faa’ideeyaan bulshada ay ku dhexnoolyihiin.
Macalin Maxamed Macalin Abshir waxa kaloo Ardeyda ku dhiira galiyay in ay raadsadaan Jaamacad si aqoontooda waxbarasho meel fiican u gaarto.
Ardeyda sanadkan ka qalin jabisay Dugsiga Sare ee Al-Shacab ayaa waxa ay noqonayaan dufcaddii 2aad ee ka qalin jabisa iskuulkaasi tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2007dii.
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or abuuakram1@gmail.com
Tell= 00252690/753825
Galkacio-Galmudug-Somalia
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|