Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Jaamacadda Galkayo University (GU) oo maantay imtixaan ka qaaday Ardayda iska diiwaan galisay Jaamacadda sanadka 2011-2012.

Sept,17,2011 www.Hobyoradio.com

 

Jaamacadda Galkayo University (GU) oo maantay imtixaan ka qaaday Ardayda iska diiwaan galisay Jaamacadda sanadka 2011-2012.

Jaamacadda Galkayo University (GU) ayaa maantay waxa ay imtixaan ka qaaday ardeyda cusub ee iska diiwaan galisay Jaamacadda Galkayo University (GU) sanadka 2011-2012. Pro. Cali Nuur Yuusuf oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii imtixaanka qaadeysay ayaa waxa uu sheegay Ardeydaan maantay imtixaanka laga qaaday in ay yihiin ardey ka soo qalin jabisay sanadkan iskuulada sare ee Gobolka Mudug iyo kuwo ka yimid Gobolada Dalka.

Sidoo kale Pro. Cali Nuur Yuusuf ayaa waxa uu sheegay imtixaanka maantay bilowday in uu socondoono illaa iyo 2 asbuuc. Dhica kale Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Galkayo University (GU) Dr. Maxamed Axmed Wehliye ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda maantay imtixaanka fadhiisatay wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar.

Ardeydaan cusub ee maantay imtixaanka fadhiisatay ayaa waxa ay gaarayaan illaa iyo 35 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho waana dufcaddii 2aad ee iska diiwaan galisa Jaamacadda tan iyo markii la furay Jaamacadda Galkayo University (GU) taariikhdu markey ahayd 10-10-2010.

Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)Nuuradiin5@hotmail.com or abuuakram1@gmail.comTell= 00252690/753825 Galkacio-Galmudug-Somalia

Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|