Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Gudomiyaha gobolka Mudug iyo duqa Galkacyo ee Puntland oo booqday wariye Xoriyo

Sept,17,2011 www.Hobyoradio.com

 

14 bishan September ayaa Xaafada Garsoor dhankeeda Waqooyiga ee Magaalada Galkacyo waxaa dhaawac Xun loogu gaystay Saxafiyada lagu magacaabo xoriyo C/Qaadir Sheekh Cali Cilmi yare oo ka hawl gasha Idaacada Radio Galkacyo oo ku taala waqooyiga Magaaladaasi, Suxufiyadan ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeday Deegaanada Galmudug.



Kooxo hubaysan ayaa waxa ay ku dhaawaceen Agagaarka Schoolka Umada ee u dhaxeeyay Xaafada Garsoor dhankeeda Waqooyiga iyo dhankeeda koofureed ee Magaalada Gaalkacyo, Wariye Xoriyo ayaa waxaa dhaawacu ka gaaray xabadka iyo gacanta midig,  ayadoo ay rasaas gaaraysa ilaa sadex la eegteen Kooxo aan haybtooda la garanayn kuwaasoo isla goobtii ka baxsaday.

 

Masuuliyiinta Puntland ee gobolka Mudug ayaa ku booqday wariye Xoriyo isbitaal si gaara loo leeyahay ee ku yaala waqooyiga magaladda Galkacyo, Gudoomiyaha gobolka Mudug Mr. Maxamed Yuusuf iyo Duqa degmadda Galkacyo Col. Siciid Cabdi Faarax ayaa maanta ku booqday isbitaalka wariye Xoriyo Cabdirahman Sh. Cali Cilmi Yare oo lagu dhaawacay xaafadda Garsoor dhankeeda waqooyiga Galkacyo.

Wariye Xoriyo Cabdirahman oo uu awoowe u yahay sheekh si weyn looga yiqiinay gobolada Koofureed ee Somalia gaar ahaan gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Cilmi Yare oo ay xarun u ahayd xertiisa deegaanka Laguraqsey ee gobolka Mudug.
 

Wariye Xoriye oo ay dhaawaceen kuwa dhagarqabayaal ah ayaa madaxda maamulka Puntland waxay balanqaadeen inay soo qabandoonaan kuwii falka gaystay marka ay soo qabtaan ay sharciga horkeenidoonaan.

Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|