|
Warar Goos Goos ah Ahlu Suna oo qabatay waxyalaha qarxa, Dab ka dhacay Jowhar,Maxkamadda Dowladda Somalia oo xukun riday iyo burcad madaxfurasho qaadatay.
Sept,17,2011
www.Hobyoradio.com

Ciidamada Ahlu Sunna oo gacanta ku dhigay waxyaabo qarxa
Howlgal waxyaabaha qarxa lagu soo qab qabtay ayaa maanta Ciidamada Ahlu Sunna waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka mid ah degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Howlgalkaani oo lagu soo qab qabtay waxyaabaha qarxa ayaa maanta Ciidamada amaanka ee Maamulka Ahlu Sunna waxa ay ka sameeyeen gudaha degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, iyagoo intii ay ku gada jireen howlgalkaasi ay gacanta kusoo dhigeen waxyaabaha qarxa sida uu saxaafada u xaqiijiyay Madaxa Arrimaha bulshada ee Ahlu Sunna Mahad Khaliif Rooble.
Mahad Khaliifa ayaa waxaa uu sheegay in waxyaabaha qarxo lagu qariyay xaafad ka mid ah degmada Caabud-waaq, isagoo sheegay in loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo Mas’uuliyiinta Maamulka, waxaana uu carabka ku dhuftay in Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku xaqiijinayaan amaanka gobolkaasi sida uu hadalka u dhigay
Arintaani ayaa waxa ay imaanaysaa iyadoo maalmo ka hore bartamaha degmadaasi qarax miino lagula eegtay gudoomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgadud Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) kaasi oo ka bad baaday qaraxaasi hase ahaatee uu khasaaro kasoo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa nawaaxiga goobta qaraxa lagula eegtay.
Dab guuryo badan ku gubteen oo ka kacay duleedka degmada Jowhar
Deegaan lagu magacaabo Jamaac Sheekh Bashiir oo 15-KM galbeedka kaga beegan degmada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in dab qasaaro hantiyadeed gaystay uu ka kacay guryo cooshado ka sameysan oo ku yaalla halkaasi.
Nabadoon Cali Daahir Sheekh Xanafi oo ka mid ah Nabadoonada ku nool deegaanka uu dabka ka kacay oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in dabka uu ahaa mid aad u xooggan islamarkaana halkaasi uu ka kacay saakay, isagoo tilmaamay in dabkaasi uu gaystay qasaaro farabadan.
Naadoonka ayaa waxa uu intaasi ku daray in dabka ilaa iyo iminka lagu la’yahay gabar yar oo 7-sano jir ah, waxaana uu shaaca ka qaaday in wali dadka deegaanka ah ay ku howlan yihiin daminta dabkaasi oo ay ku basbeeleen guryo farabadan oo cooshado ka sameynaa.
ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Al Shabaab oo ku aadan dabka qasaaraha gaystay oo maanta ka kacay deegaanka Jamaaca Sheekh Bashiir oo galbeedka kaga beegan degmada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe maadama gobolkaasi ay gacanta ku hayaan.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xukuno ku riday askar la sheegay inay gaysteen falal dambiyeedyo kala duwan.
Maxkamadda oo u farsiitay dhagaysiga falal dambiyeedyo isugu jira dhac, Kufsi iyo dil lagu eedeeyay askar ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay xukun dil ah ku riday ilaa 17-askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda, iyadoo mid ka mid ah eedeysanayaashaasi Maxkamaddu ay ku wareejisay dacwadiisa Maxkamadda gobolka Banaadir.
Maxkamadda ayaa 8-ka mid ah askarta waxa ay ku eedeysay inay dil toogasho u gaysteen labo xidigle Daahir Max’ud (Indhayare) oo 15-kii bisha 6-aad 2011-ka ay ku dileen Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay xabsiga kasii daysay labo xiddigle Cali Mirre Mataan oo lagu waayay waxyaabihii lagu soo eedeeyay, iyadoo ay xusid mudantahay in 17-ka askari ee la xukumay uu ku jiro Askari kufsi u gaystay Haweenay shacab ah islamarkaana la sheegay in uu amar la’ aan kasoo baxay aagga dagaalka.
Gaashaale Sare Xasan Max’ed Xuseen (Mungaab) oo ah gudomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Warbaahinta u waramay ayaa waxaa uu sheegay in Xukundaani ay u tiigsadeen Xeerka Ciqaabta Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya.
Maxkamadda Ciidamada qalabka ayaa horey Xukunno kala duwan waxa ay ugu riday askar lagu eedeeyay inay dileen askar kale hase ahaatee waa markii ugu horeysay oo Maxkamaddu ay dil toogasho ah ku xakunto askari lagu eedeeyay in uu kasoo baxay aagga dagaalka isalmarkaana uu kufsaday Haweenay shacab ah, iyadoo hore gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada uu u sheegay in ladili doono askarii dhibaateeya dadka shacabka ah.
Burdcad badeeda Soomaalida oo malaayiin doolar ku siidaayey markab ganacsi
Kooxaha shufto badeeda Soomaalida ayaa la xaqiijiyey inay siidaayeen markab nooca xamuulka qaada oo laga leeyahay wadanka wadanka Vietnam balse ku gooshaya calanka wadanka Mongolia ayaa u gacan galey kooxdaasi bishii January ee sanadkan.
Markabkan oo xamuulka uu qaado uu gaarayo 22,835-tonne waxaa lagu magacaabaa MV Hoang Son iyadoo kooxaha shufto badeedu ay ka qabsadeen xeebaha wadanka Cumaan gaar ahaan Koonfurta magaalada Muscat 520 mile meel u jirta.
"Markabka laga leeyahay Vietnam ee ku socda calanka Mongolia ee lagu magacaabo MV Hoang Son Sun burcad badeedu waxay siidaayeen khamiistii ka dib ay qaateen lacag madaxfurasho ah oo la dhimay cadadkeeda mudo sideed bilood ka dib" ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda Ecoterra International ee arimaha baddaha qaabilsan
Ecoterra International waxay kaloo sheegtey in markabku uu si nabad ah uga ambabaxay aagii lagu haystey, isla markaana uu ku sii jiido magaalada dekada ah ee Salalah, laakiin mulkiilaha markabku wuxuu sheegay in aanu wax war ah ka hayn xaalada ay ku sugan yihiin shaqaalaha markabkaasi oo 24 qof ka kooban.
Siideynta markabka waxaa sidoo kale xaqiijiyey nin ka mid ah shufto badeeda Soomaaliya.
"Ma garanayo inta ay dhan tahay lacagta madaxfurashadu, laakiin markabka waa la siidaayey" ayuu yiri ninkaasi ka mid ah burcad badeeda oo magaciisa ku soo koobay Cawiul oo wakaalada wararka ee Reuters la hadley isagoo sheegay in uu ku sugan yahay deegaanka Ceeldhanaane ee bariga Puntland.
Laakiin ilo wareed oo kale ayaa sheegaya in shufto badeeda la siiyey lacag gaaraysa 4.5 doolar (Afar milyan & bar).
liibaan c/laahi faarax qaran
libaanqaran10@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|