Sanad Guuradii 1aad Aug-14-2007 ee kasoo Wareegtay dhismihii Dowlada goboleedka Galmudug State ayay ka tirisay Gabay Marwo Maryan Warsame Cowl. Waakan Gabayga oo sadex qoybood ah.
.JPG) |
|
Marwo. Maryan Warsame Cowl |
Gar Bay igu Tahay inaan Caaway Gabay Tirshaa : By. Maryan Warsame Cowl
Sanad Wacan Galmudug
Salaan gacaltoo oo gaasir aan ahayn
gumeernadiinii Gal mudug aan u soo gudbiyo
murtidii igu gaaxsanayd gaawaha u culaa
gudoon la yiraahdo murtidaydi gacalkiyow
Gal-mudugeey gobanimiyo gaara horumar guud
oo guushu gacantiina weeyee ha gaabinina
hogaanka u qaada reerkaan habsaanku galay
halbawluhu waa hobyee hawsha ugu hormara
oo go;aanku ha gaaro gabigeedba gobolka dhexe
Gal-mudugeey gobanimiyo gaara horumar guud
ilaah baa idin galadayee guntiga xagsada
gargaara dadkiina dayacmoo dalyeelka helin
dulmiga iyo diida kiinii aan daacad wadin
ninkii daba dhilifa meeshaas ha lagu daldalo
oo geesiyada jooga Gal-gaduudna golol u dhiga
Gal-mudugeey gobanimiyo gaara horumar guud
libin ku geeraara iyo guul la taaban karo
gumaysiga diida iyo gaalka faranjigaa
oo diinta u gargaara rabi hay din garab galee
Gal-mudugeey gabanimiyo gaara horumar guud
ilaahay haydin garansiiyo samiyo guul
gabiga soomaaliyeedoo dhan gogol u dhiga
oo gadaal samo iyo ku noolaada guul ilaah
xafladaan sanad guuradaa oo samaanta badan
saldhig hadaan looga yeelayn saliga Rasuul
sunada Nabigiyo quraankiisa lagu salayn
qabiil lagu saanyo aad waw saluug sanahay
sidaan doonahayay maahoo sad baa ka maqan
Waxay ku aafawday soomaali idil ahaan
af iyo uur kala jiriyo eebo noo qarsoon
ilaahoon laga cabsoonoo dad lagu ajaro
ee alow ururkaani mid islaama uu noqdaa
umada u adeega Rabigayna uu aqbalo
Dadkeeniiyow warkaygaan diwaan ku qora
taariiqdu duugoobi maysee ha diidinina
dariska dhawroo ilaahay dushiisa gala
dagaalkiyo diida dawgiin waxaan ahayn
dayaca ka ilaalsha diinteena iyo sharciga
Mudanayaashii Galmudugow mirkaan qabsada
midnimadiiiniyo macaankiini baa la helay
madax ilaah doortay iyo maamul baad hesheen
Galmudug shacabkeedow nimankaas maqsuud ka dhiga
ayaantaad kala maqnaydeen ma muuqan jirin
mahad ha loo celiyo Rabigayaga maaligaa
hadaa madaxaygu dagayoo mashxaradayaa
midnimo dheeraada mudug waa in laga helaa
maraakiibtii hobyana meelka soo rogaan
masaakiintiyo dadkeenii miciin helaan
magaca Soomaaliyeedoo dhan noo martiyo
Rageenaas dhaarta marayoo la dhawrayow
u dhiidhiya shacabka soomaali kala dhuntaye
calanka soo dhiciya dhiig waa in loo huraa
amxaarka dhashiina guranaaya laga dhacshaa
Dhamaad Sanad Wacan Galmudug
Dacwo illaah
Soomaalooy dhagala xagee baad ka dhoohan tahay
cadaw u soo dhoobtay ciideena dheemankaa
dhalaankiiniyo haweenkii u dhaacadeen
xoolaha dhadigaana kuligiin u dhoofisaan
dhalinta doomaha ku dhiminaysa soo ma dhugan
dharaaraya habeenba maydkoodu dhooban yahay
war isma dhaantiyo dhasheedeey dhulkeeda necab
dharici iyo ceebi soo maanta kuguma dhicin
Waryaa soomaali dhabahoo la dhawrayaa
dhibaatada iyo amxaarkaan ka dhiidhin kara
waryaa dhaawaca dhibaaya amxaarku dhigay
dadkeenii waa dhamaadee dhulkaan u maqan
waryaa qarankeeni lumay qoysna aan ka sugin
qaracankaan iyo dhibkaan yaa qalbiga ka neceb
Rageeniyow Xagee baad u raran tihiin
kursi u wada Raadinaysaan Rujaaladow
maxaadse isku Raaci waydeen Rageeniyow
Rayi isugu keeni waydeen rageeniyow
cadowga Rugaheeni dagay noogu Raadiseen
caruurtiyo Dumarka Nacab loogu Riixayaa
maxaa Raxamdiini qaadoo Ragyohow Rabtaan
Xornimadii aw rafaadeen |Raqiis ka dhigay
Dadkeenaan Tubaha yeeloo aan cidi tabayn
badaha lagu tuurayoo aan Tirsiga lahayn
kursiaga laga tiigsanaayootixgalin la arag
Tiiraanyadiyo Ciilka dumarkii la Tiicayaan
Ragii la Tacaalilaa Taariiq xumo dhaxleen
madaxna ay u wada Tartamayaa tashina la arag
inay wada taajiraan ay ka taxadaraan
tacshiirada lagu laayay misna aan tacliin la barin
afkii laga tolayo shacabkii tiraabi karin
adaa taliyaahe Rabiyow Tilmaan u bixi
Waryaa soomaali dhabahoo la dhawrayaa
wadni dhaartiyo xagee dhawrad laga helaa
dhaawaca yaan dhidib tiraynoo dhulkaan iska leh
oon yaan dhabar jabinin shacabkeena dheemankaa
habeenkii ku dheelmanoo hawsar aan la dhicin
dhurwaagaas cunaya maandeeq ka soo dhacsada
oo dhalaankiyo dumarka guryahooda aan u dhicin
Darbaan jiifnaayo gurayaheeni waa dumeen
Rageeniyo wiilasheeniina waa la dilay
dulqaadna ma hayno doorkiina naga dhamaa
dulaa nala baday kurteen duubcad baan sidnaa
caruur iyo dumar ilaahow dacwaanu nahay
waxaan ka dacwoonay nimankaan aan diir naxayn
qaranka diidaa ilmahooda dubanayaan
dabaabaadkiyo hubkana noogu Rida dadaal
damoorka lahaynoo marastooda aan danayn
dantooda mooyee wax kale aan ka taxadarayn
Hadii lays qola qoleeyoo qabiil la galo
oo qoysba meel aado quwad uu asagu is bido
nin walba qaladkuu lahaa uusan qaadanayn
walee is qilaafid iyo qaani waa halkii
qosol ma jiri doono quwad baad u gacan gasheen
waliba qarankeeni quusbaan ka taaganahay
ee intaad qaadir u qushuucdaann qoryahakan dhiga
qaladka kala qaata qarankaan u wada tashada
ninkii u qalmana u dhiiboo xil qaadi kara
Aduunku wuxuu ka qaylshoo qaraar ka qoray
qaxootiaga quracda joogaa alqaacidaa
qoraxdu ku dhamaysay dibadoo qobaha ku goay
quudkana loo diiday qutulyoona aan aqoon
qurbana aan joogin aqalkiina laga qabsaday
qaran u daadana la aragoo xaquuq u qora
qali cas laga saaray hayadihii wax quudin jiray
warmaa u qarsoon la yiriyoo waxbay qalaan
ilaahay qaadir adigaan wax kaa qaldamin
qadar adaa keena iyo maalin noo qararan
qabriga saacad uu qorsheeyoo malaaig qoray
aduunka qayd cad naga siiyayoo qadaray
qabiil lagu faano quwad maalintaas la arag
ilaahii taas qorsheeyoo ku qanacasnahay
qufuuru raxiimow quwadaada nagu xoree
ilaahow qaadir qawlkayga qiimo saar
ee ninkii qaanu wadanahoo wax soo qaribay
qaranka diidaay shacbkiina aan qadarin
oo qayb ka dhiibaaya ciideena qaaligaa
alow naga qaado qolo qiima dhaanta keen.
Dhamaad Dacwo illaah
Alle Bari
Ilaahow maalig ducadaydu meel martaa
oo hayga meer meerin mulkilow ilaahayow
midigta ii saar waxaan maaligow codsado
oo masiibada qaadoo soomaalida u miciin
oo meelkastooy joogto Rabiyow maslaxo u keen
cadawga maasheeyaya minankoodi nooga celi
alaw lagu maamula diintayada macaan
adaa maaligahe Rabiyow midnimo u keen
minhaajka kitaabka mawliidka nagu midee
ilaahayow waaxid Rabigaan wakiilanow
alihii waynaayo wehelkiisu kali yahow
wixii la waydiisto rabigii aan waayinow
wanaaga noo sheegay xumihiina na wadow
alahaan waxaba waayinoo weel u buuxayow
wanaagii soomaaliyeed waaxidow la helo
Alahayow mawle mulkilow ilaahayow
waxaan muhanaba alahaan meel ka dooninow
masiibada naga ilaalshoo wax lala matali
muslimka nag yeelow mahadaan adaa iska leh
ee alow u miiciinoo soomaali wada midee
Dunida waxa taagay Rabigeena daainkaa
qoraxda wax diirsha Rabigeena Daainkaa
dayaxa wax Nuursha Rabigeena daainkaa
dunuubta wax dhaafa Rabigeena daainkaa
deeqda wax bixiya Rabigeenaa daainkaa
daruurtiyo samada ciideena dahabku yaal
waxaa daadihiya Rabigeena daainkaa
ee daciif baan nahaye nin walbow dantaada garo
Runbaa la hadlaayo Rabibaa la kaashadaa
Rasuulka qofkaa Rumayn Raasumaal ma helo
dunidu raad ma leh dadow yaa rafaad la mudan
Rabi wuxuu kuu qoraa Raali lagu noqdaa
ee Raxmad alow siiyo Soomaali wada Risaaq
Rafaadka alow ka bixiyoo ka Raali noqo
oo janada Rugahooda laga yeelo Rag iy dumar
Alihii Cirka taagay ciidaana gogol ka dhigay
caqliga noo yeelay Ciraabtaana Noogu daray
Cadceedaan iyo dayaxa caadka saarinow
kala calaameeyoo midba cayn ka yeelayow
caruurya ciroole kuli waa la ciirsan yahay
culumo iyo caamo kuli waa la cabanayaa
calaacalo hoorsibaa caawa lagu jiraa
ee casiis baa tahaye Soomaali nabad u curi
ilaahayow caadil codsigayga iga ajiib
ee carada Soomaaliyeedoo colaad lahayn
oo dawlad caadila ka dhalatoo cid gaara wadan
calanka bulugaana guudkayga lagu calaqay
cadowga joogaana Carigoodi naga Tageen
Rageenaan kala Caroonaaya Caadi yahay
alow Cududiyo Calooshoodu ay mid tahay
caruurtiyo dumarku kuligood Cawaynayaa
ilaahow Caadil Carshigaada laga Aqbalo
Jaliil baan Tuugay Rabigeena Jamalka Weyn
jibriil iyo muxamed maantay jihaad galeen
ilaahay uu jeclaadoo jahooyin maray
janada furaheeda jeebkiisa loogu Riday
joharad loo saarayay Qayrkiina loo jidee
ee jaliilow eeba Soomaali Jaho u Bixi
Kun baan Mayrnaayoo Rabibaanu kaashanaa
kalaanka ilaahay baa kaalmo lagu helaa
kuraajo ilaah ku siiyaa la koodiyaa
kifaax lama siiyo umaddaan kalsooni qabin
ee alow na kaalmeeyo baryadaada nagu kor yeel
Qunuudkiyo diintu qayrkay bilaabayaan
qushuuca Nabigeena iyo qaatumada ilaah
ayaa qayr lagu helaa qoofna lagu gudbaa
ee ilaahow qaadir Soomaali qaran u dhali
qalbiga ka mideeyo Quwadooda Sare u qaad
War Diintu waa mide Maxaa looga dhigay malyuun
minhaajka kitaabka mawliidka loo maldahay
magacaya aan jirin maxaa meelo loola tagay
muxamed Nabigeena hadalkiisa muran ka dhigay
masuulada diinta Kuli loo mucaaradaa
ninkii Magac iyo saraakiisha loo miraa
marwada iyo ubadka minankooda loo gubaa
oo muuminiintiyo masaakiinta loo dilaa
ilaahayow maalig diintaada nagu midee
Ilaahayow maalig Murtidayda darajo saar
oo hayga soo daahinoo hayga Marin daleel
alow Waxaan kaa Duraantoo dhan iigu deeq
alow dag dagsiimo igu sii waxaan dalbado
oo cadawga Soo dagay Dalkeenii alow Ka saar
Maryan Warsame Cowl
Bursville,MN USA