Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Jaaliyada Galmudug ee Birmingham oo afur iyo soo dhaweyn u samaysay wasirka qorshayta iyo xiriirka caalamka Dr. Cumar Suri

Sep,2,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso

Wasirka qorshayta iyo xiriirka caalamka ee Galmudug Dr. Cumar Maxamud Max'ed Rooble Cumar Suri ayaa soo gaaray magalada Birmingham ee dalka Ingriiska, wasiirka ayaa socdaal dheer kusoo maray dalka Kenya asagoo ugu sii gudbiyay magalada Qaahira ee dalka  Masar halkaasoo uu kula kulmay jaaliyada, ardada iyo masuuliyiin katirsan jaamacada Anzar.

Jaaliyada Galmudug ee magalada Birmingham ayaa siweyn usoo dhaweysay wasiirka waxaana shirka gudoominayay islamarkaana soo dhaweeyay wasiirka  Sh. Max'ed Hashi Cali Barre. ayadoo lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan, wasiirka ayaa isagu deegaan ahaan daganaaa magalada Birmingham oo uu ka maqnaa mudo 3 sano ah oo uu howlo shaqo ugu maqnaa Galmudug.

Dr. Cumar Suri wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii hore ee Prof. Kiimiko, asagoo ahaa wasiirkii amniga ee xiligii la qaaday isbaarooyinka, loo sameeyay darays ciidamada booliska Galmudug, islamarkaana la xareeyay malayshiyadii hubaysan ee deegaanka,wuxuu asagu siin-jiray malayshiyada casharo dhanka maamul wanaaga iyo anshaxa, Dr. Cumar inta aanu xilka qaban kahor wuxuu ahaa gudoomiyihii guddiga abaaraha 2007-2008 ee ka qaybqaatay quudinta iyo biyo dhaamintii dadkii abaarta xumi kudhufatay ee deegaanada Galmudug.

Dr. Cumar Maxamuud Max'ed wuxuu yaraantiisii waxbarasha kusoo qaatay dugsiga hose/dhexe iyo sare  ee magalada Boorame ee gobolka waqooyi bari Somaliya, kadib wuxuu waxbarshadiisa ku dhameeyay magalada Muqdisho oo uu kaga baxay jaamacadii lafoole ee qaranka Somalia, wuxuu taqasuskiisa ku qaatay dalka Sweden iyo Ingriiska.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu socdaal ku maridoono dalalka Yurub asagoo kulamo la yeelandoona jaaliyadaha faraha badan ee Galmudug ee kudhaqan magalooyinka London, Stockholm, Oslo, Kopenhagen iyo Helsing, Finland.
 

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|