![]() |
||
|
|
||
|
SHIRKII
BEENTA
AHAA (Maanso)
Sept,2,2007 www.Hobyoradio.com Maansadan waxa curiyey Maxamed Xirsi Guuleed, taariikhdan 30-08-2007 oo ku beegan isla maalintii ay soo shaacbaxday in shirkii Xamar ku soo dhammaatay natiijo laŽaan. Waxa jiray gabay hore oo uu Maxamed Xirsi ku sii saadaaliyey natiijada shirkaas. Gabayga hore ka fiiri tusaale ahaan: http://www.somalitalk.com/2007 Fadhiga Morgan, Max'ed Dhere, Cabdi Qaybdid ( Geedi oo itoobiya sido ) Wuxu yidhi: Shirkii beenta ahaa Saw wax baabaŽay maaha? Intii aanu bilaaban Bil horteed warkan sheegay Sow buruuf hadda maaha? (http://www.somalitalk.com/2007 Waxay baaq daldaleen Ama buunan tumeen Ama maal bixiyeen Hal bacaad lagu maalay Iyo boodh la afuufay Sow bulshooy lama moodo? Raggii baadilka doortee Xaqqa beeca yar siistay maanta baylah aduunyiyo boori sow kuma taallo? Biidhi qaate hungoobiyo Naag busaaradi haysiyo Wixii buuryaqab gaalo laga buuxshay garaashka Wax miyey bedeleen? Mise Baaderigiibaa Bartuu doonayey gaadhoo Baahidiisi dhammaatay? Maxaa beeso qasaartay Maxaa duul sharaf belay Muxuu gaal balagtii leh Birmad doolar keenayoo Lagu boobay qallaylka Maxaa baalashleyaaliyo Jirri qaad u basaastay Inta daar laga buuxshay Bogga laysugu saaray Beel ayey metelaan. Fa nacuudu billaahi Bilaash-xayte hallaabiyo Bakhti-hiigyada leexday Ee gumayste bahaystay Maxamed Xirsi Guuleed 2007-08-30 Mujaahidiin Soomaaliyeed Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||