Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Shir Lagu Wado in ay Qabtaan Jaamacada Carabta loogana Hadlayo soomaaliya oo Golaha amaanka la Hor dhigi rabo.

Sept,20,2011 www.Hobyoradio.com

 

Shir Lagu Wado in ay Qabtaan Jaamacada Carabta loogana Hadlayo soomaaliya oo Golaha amaanka la Hor dhigi rabo.

Shirkaan ayaa lagu Wadaa in Maalmaha inagu soo Fooda Leh ay Qabtaan Jaamacadda Carabta Waxaana la xaqiijiyay in Shirka Jaamacad Carabta waxii  kasoo baxay si Toos ah Loogu Gudbin doono Golaha amaanka Ee Qaramaad midoobay Kaasi oo ayagana Shir Weyn Jimacaha Ku Leh Magaalada New York.

Dr.Nabiil Al-carbi   oo ah Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta  ayaa ka qeyb Galaya Kulan si gaar ah Loogaga arinsanayo Xaalada Soomaaliya ayadoona uu Hatan socdo diyaar Garowga iyo isku Diyaarinta Kaasi oo ka dhici doono  Magaalada Qaahira Ee Dalka masar.

Shirkaani ay soo Qaban Qaabisay Jaamacada Carabta Waxaa sidoo kale ka hadlay uqaabsamaha Wadamada Afrika Ee ururka Jaamaca Carabta  ninka lagu Magacaabo Samiir Xusni Waxaana uu sheegay in uu umaqan yahay Dalabkaasi oo ah in kulnkaan Jamacada wixii ka soo Baxa loo gudbin Doono qaramada midoobay .

Samiir Xusni  ayaa ka hadlay muhiimada shirka soomaalida loogaga hadlayo in wixii kasoo baxa Shirka ay horgeyn doonana shir dhawaan Qaramada Midoobay uga furmo doona Magaalada New York kaasi oo go aan looga gaaro dhibaatooyinka ka jirta SoomaaliyaTaasi oo ay sheegeen in ay Doonayan in Soomaaliya ay Noqoto mid amaan ah oo nabad Galyo ah.

Kulamada iyo Shirarka loogag hadlayo dalka ay dhibaatada la dagtay Ee Soomaaliya ayaa Jaamacada Carabta Dhowr jeer oo hore Qabatay hase ahaatee kani ayaa la shaaciyay in uu ka duwan yahay kuwii hore Maadaama  Shirkaani loo Gudbin doona golaha amaanka oo Jimcaha shirka weyn uga qabsoomi doono Magaalada New York.

Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|