|
MPHDO oo aqoon is weydaarsi u qabatay Haweenka Galmudug.
Sept,20,2011
www.Hobyoradio.com

MPHDO oo aqoon is weydaarsi u qabatay Haweenka Galmudug.











Mudug Peace & Human Dev. Org. ayaa aqoon is weydaarsi u soo gabagabaysay haween tiradoodu gaarayso 35 xubnood oo ka kala yimid qaybaha bulsho ee ku nool deegaanada Galmudug. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa wuxuu qayb ka ahaa tababaro xiriir ahaa oo ku saabsanaa tayaynta maamulka Galmudug iyo xoojinta Nabadda Gobolka (Institutional Strengthening and Peace Building Project)
Aqoon-is-weydaarsiga oo socday muddo 3 casho ah ayaa wuxuu ku saabsanaa tayaynta awooda aqooneed ee haweenka Galmudug iyo ciribtirka takooridda jinsi ahaan lagu hayo haweenka haddey noqon lahayd mid siyaasad, dhaqaale, bulsho, dhaqan, madani iwm.
Mowduucyada ay halkaas ku qaateen ka soo qayb galayaashu, loogana gol lahaa inay isku difaacaan una doodaanen xaquuqdooda aasaasiga oo ay u ogoshahay Diinteenda Islaamka ee sharafta leh, ayaa muddadii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, ka mid ahaayeen "Axdiga ciribtirka dhammaan noocyada takoor ee lagu hayo haweenka" "Convention on the elimination of all forms of discrimination against women (CEDAW) iyo Baaqa caalamiga ee xuquuqda aadanaha "Universal Declaration of Human Rights" (UDHR). Muddadii uu socday aqoon-is-weydaarsiga ayaa ka qaybgalayaashu isku wey daarsadeen doodo farobadan iyo shaqo kooxeedyo oo ay ka dibna ku soo bandhigayeen soo jeedimo.
Ugu danbayn aqoon-is-weydaarsigu wuxuu ku soo gabgaboobay jawi wanaagsan oo farxad galiyay dhammaan ka soo qaybgalayaasha isla markaana ay ku codsadeen in tababarrada noocaan oo kale loo soo celceliyo, waxayna u mahadceliyeen MPHDO dadaalka ay ugu jirto tayaynta iyo waxbarashada dhamaan qaybaha bulshada ee Galmudug.
Emailka ururka: mudugpeaceorg1@yahoo.com, Galkayo, Galmudug
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|