Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Ururka Woja oo cambaareyn dusha uga tuurey kooxihii ka dambeeyey Dhaawaca Wariye Xoriye Cabdulqaadir Sh Cali‏

Sept,20,2011 www.Hobyoradio.com

 

Ururka Woja oo cambaareyn dusha uga tuurey kooxihii ka dambeeyey Dhaawaca Wariye Xoriye Cabdulqaadir Sh Cali‏

Ururka Dhaqdhaqaaqa Haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano (WOJA ) Ayaa waxey cambaareeyeen dilkii dhaawaca ahaa ee loo geystey wariye  Xoriyo Cabdulqaadir Sh Cali .

Suxufiyadda oo ka howlgali jirtey  Idaacada Raadio Gaalkacyo ayna dhowaan kooxo hubeysan  dhaawac halis ah ugu geysteen Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Ururka dhaqdhaqaaqa gabdhaha Suxufiyiinta soomaaliyeed ee WOJA Fardowsa Sh Xasan Kuriya ayaa waxa ay ku tilmaantey kuwii ka dambeeyey dilka wariye Xoriyo Cabdulqaadir kooxo manaxayaal ah waxayna ka codsatey Maamulada magaalada Gaalkacyo in ay iska kaashadaan sidii loo soo qaban lahaa isla markaana loo hor keeni lahaa cadaalada kooxahaasi.

Ugu dambeyntiina waxey gabdhaha Ururka WOJA Ilaahey uga baryeen Wariye Xoriyo Cqaadir Sh Cali Caafimaad Wanaagsan.

Gudoomiyaha ururka Woja

Fardowsa Sh. Xasan Kuuriya


Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|