|
Xildhibaan katirsanaa barlamanka Puntland C/raxmaan M. Xaaji oo Caawa lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Sept,20,2011
www.Hobyoradio.com

Xildhibaan katirsanaa barlamanka Puntland C/raxmaan M. Xaaji oo Caawa lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Waraka Caawa Idaacadda Hobyo ay ka helayso Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in la dilay Allaha U naxariistee Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Xaaji, oo ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Dad Ku sugnaa Goobta Dilka Xildhibaanka uu ka dhacay, Islamarkaana Diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Idaacadda Hobyo u sheegay in Xildhibaan C/raxmaan lagu toogtay Xaafada Israac, Gaar ahaan Agagaarka Schoolka Cumar Samatar, Ayadoona falkaasi ay geysteen Sadex nin uu ku hubaysan Bastoolado, Islamarkiina Goobta ay ka baxsadeen, Kadib falku markuu dhacay.
Majirto Cid sheegatay Dilka Marxuum C/raxmaan Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland, ee Caawa lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Sidoo kale lama oga sababaha loo dilay iyo Cida dishay, hase yeeshee Ciidamada Amaanka Ayaa goobta Soo gaaray kadib markii Xildhibaanka la dilay,
Dhanka kale Waxaa jirin Masuul ka tirsan Maamulka Puntland oo ka hadlay Dilka Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Xaaji, Ayadoo sidoo kale aysan jirin Cid loo soo qabtay Dilka Xildhibaanka.
Dhan Walba hajirtee Ma'ahan Markii ugu horaysay ee Masuul ka tirsan Maamulka Puntland lagu dilo Waqooyiga Magaaladda Gaalkacyo, tani ayaa ka mid noqonaysa Dilalka joogtada ah ee loo gaysto Masuuliyiinta Puntland.
Siciid Jaani
Hobyo Media Network Gaalkacyo and Ceel Guula
siciidjaa@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|