Diyaarda loo yaqaan AC-da oo Maalikii labaad Dul heehaabaysa magaalda Galkacyo ee xarun goboleedka Gal-Mudug State iyo dadka reer Galakcyo oo siyaabo kala duwan oga Hadlay Arintaas.

Sept,20,2007 www.Hobyoradio.com

Diyaarda loo yaqaan AC-da oo Maalikii labaad Dul heehaabaysa magaalda Galkacyo ee xarun goboleedka Gal-Mudug State iyo dadka reer Galakcyo oo siyaabo kala duwan oga Hadlay Arintaas.

AC-130

Waxaa dhagaha shacabka reer Gaalkacyo hareeyay dhawaqa iyo kuuxa diyaarda loo yaqaan AC-da oo dul heehaabaysa magaalda aydoona hadba dhinac kaga imaanaysa taasi oo waliba ku duulaysa joog hoose oo cirka ah indhuhuna ay qaban karaan guuxa diyaarda oo ah mid aad looga maqlayay guud ahaan magaalda iyo tuulooyinka ku teedsan ayaa dhibaato weyn ku noqotay shacbka ku nool Galkacyo iyo nawaaxigeeda haba ugu darnaatee xiliga habeenkii ah oo dadka aysan hurdo ka soo dhicin guuxa diyaarada oo saa'ida awgeed,

Waxaa la arkayay dadweyne koox koox ah oo isugu soo baxay meelaha banaanka ah kuwaasi oo markaasi is tusinaya diyaarada gaar ahaan galinkii danbe ee shalay oo ay soo shaac baxday diyaarada guuxeedu iyo ilaa maanta inkasta oo aan habeenkii la arkayn oo la maqlayo uun guuxeeda dadweynaha reer Gaalkacyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay diyaarada dul heehaabaysa Gaalakcyo.

Dadka qaarkood waxay ku fasireen in diyaradu tahay mid basaas ah oo ay duubayso dhaq dhaqaaqa magaalada aysana ahayn wax lala yaabo oo aan loona fasiran Karin inay tahay mid dhibaato wadata. Halka qaar kale oo ka mid ah shacabka reer Gaalkacyo ay leeyihiin diyaaradu waa mid ilaalo ka ah ceelal shidaal oo ku yaal qaybo ka tirsan degmooyinka gobolka Mudug ee dawlad goboleedka Gal-mudug oo la sheegay in tuulooyinka qaar ay hada ku sugan yihiin riigag ceelal biyood halkaasi ka qodaya, dadkuna ay leeyiniin waxaa diyaardaan ay ka socotaa quwadaha shisheeye gaar ahaan dawlada maraykanka oo ka cabsi qabta in riigaga ceel biyoodka ka qodaya deeganada qaar ay yihiin kuwo qodaya shidaal,

Sikastab ha ahaatee diyaarda mudada labada maalin ah dul heehaabaysay hawada Gaalakcyo ayaan ahayn mid ku cusub dhagaha  shacabka waxaase dhawr mar ay sidaan oo kale diyaarda AC-da dulimaad aan la garanayn ku samaysay magaalooyin iyo tuulooyin ka tirsan dalka Soomaalia.

Cabdalla Max’d cabdille

Xaafiiska hobyoradio

Galkacyo,Gal-Mudug State of Somalia,

cabdalla45@hotmail.com

 

Halyay Soomaaliyeey Sheekh Shariif

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com