![]() |
||
|
|
||
|
Shir
looga
hadlayo
Nabadgalyada
Deegaanada
dawlad
goboleedka
Gal-Mudug
State Oo
mudo’Todobaad
ah ka
Soconaya
degmada
Bandiiradley
ee
gobolka
Mudug.
Sept,20,2007 www.Hobyoradio.com
Waxaa Mudo’Todobaad ah Shir looga hadlayo nabad galyada deegaanada Gal-mudug ka soconaya deeganka Bandiiradleey oo 60 k.m,dhanka koonfur kaga began magaalda Gaalakcyo ee xarunta dawlad goboleedka Gal-Mudug State.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen culimo’udiinka beesha Sacad ee dawlad goboleedka Gal-mudug State ayna ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada reer Gal-Mudug Sida: Masu’uliyiinta Gal-mudug, Odayaasha,Waxgardka, Culimaa ’udiinka, Cuqaasha, Dhalinyarada, Iyo qaybaha bulshada rayidka ah ee bulsho’weynta ku abtirsata Galmudug ayaa ujeedadiisu tahay nabad ku soo dabaalida dhamaan deegaanda Gal-mudug State iyo sidii wax looga qaban lahaa isbaarooyinka faraha badan ee teedsan inta udhaxaysa Gaalkacyo iyo Galin-soor oo ay dhigteen maleeshiyo hubaysan oo dhibato ku haya gadaadidka iyo dadka safarka ah ee isticmaala wadaas. Shirkaan oo la is dhaafsanayo isla markaana looga doodayo ajandooyin dhawr ah ayaa wali aysan ka soo bixin go’aamo rasmi ah oo saxafada la siiyay waxaase ila ku dhaw mas’uuliyiinta shirka ay hobyo Radio uxaqiijiyeen in meel wanaagsan uu shirku marayo isla markaasina maal maha soo socda laga soo saarayo go’aamo wax ku ool ah waxaa wararku intaasi ku darayaan in muhiimada koowaad ay tahay sidii marka hore meel looga soo jeesan lahaa kooxaha hubaysan ee jid gooyadu u taal wada dheer isku xirta Galkacyo iyo degmada Galin-soor ee dolad goboleedka Gal-mudug, iyo sidoo kale in shareecada islaamka la waafajiyo cidii dil ka gaysata deeganada ay ka taliso dawlad goboleedka Gal-mudug State. Si kastaba ha ahaatee bulshada reer Galkacyo ayaa u dhag taagaya waxa ka soo bixi doona kulankaasi mudada todobaadka ah qaatay iyadoo hadal haynta ugu badan ee reer Galkacyo ay tahay shirka ka socda Bandiiradley. shir weynaha Bandiiradley ayaa ah mid ku soo beegmaya xili mudooyinkaanba laga dayrinayay dhibaatada haysata dadka safareyda ah ee isticmaasha wada laamiga ah ee ubucda gobolada dhaxe oo ay isbaarooyinku maalinba maalinka danbays ku soo xoogaysanaya. Hadaa nahay bahda hobyoradio ee Gaalkcyo waxaan aqristayaasheena sharafta leh ubalan qaadaynaa inan idiin soo gudbin doono gaba gabada shirka go’aamada ka soo baxa iyo sawiro aan ka soo qadayno Insha’alaah Cabdalla Max’d cabdille Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia,
Halyay Soomaaliyeey Sheekh Shariif Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||