Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Ciidamada Dowlada oo Xalay Gacanta Ku Dhigay sadex Miino iyo Dadkii gacanta ku Hayay.

Sept,21,2011 www.Hobyoradio.com

 

Ciidamada Dowlada oo Xalay Gacanta Ku Dhigay sadex Miino iyo Dadkii gacanta ku Hayay.

Ciidamada Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa Xalay Ku Guuleystay in ay Gacanta ku soo Dhigeen sadex Qof oo Dooneysay in ay Miino meelo Kala Duwan Dhigaan hase yeeshee Lagu guuleystay in ay gacanta Ku dhigeen Miinooyinkii iyo Shaqsiyaadkii Waday.

Wiil 10 jir ah oo Waday Caag Sadexle ah oo uu kujiray Miino Taasi oo la soo dhex Galiyay Mobile asagoona Dhigay Meel Maqaaxi ah oo ay dad Badani Joogeen oo ka oo Horjeedka Isbitaalka Hooyada iyo dhaalanka ee Banaadir Taasi oo Keentay in la arko Wiilka yar ee Caaga Meesha Dhigay Durbadiiba ay Qabteen Ciidamada Dowlada KMG ah soomaaliya.

Wiilkaan yar Ee Siday Miinada ayaa sheegay in loo soo dhiibay lana siiay lacag dhan $50 Dollar iyo Mobile sidaana uu ku soo Qaaday hase yeeshee waxaa Howl Galada baryahaanba socday uu Yahay Mid lagu Beeg Sanayo Ciidamada Kooxda al shabaab Ee Miinooyinka Meelaha dadka ay Ku badan yihiin Dhiga.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa Sidoo kale Sheegay in ay Qabteen labo Miino oo kale Oo La Doonayay in Gudaha Loo galiyo Degmada madiina ee Magaalada Muqdisho Taasi oo ay Saarneed Gaari Dameer balse Ciidamada Degmaadasi ay Ku Guuleysteen in ay soo Qabtaan mid kamid ah ragii miinada Siday Halka Mid kalana uu bax saday.

Kooxda al shabaab oo dhawaan Dagaal Loogaga awood Roonaaday ayaa bilowday in qorshihii Dagaalka ay ka dhigeen mid miino dhigis ah Waxaase Ciidamada Dowlada ay sameeyeen Ciidamo dhar cad ah oo ilaaliya dhaq dhaqaaqa iyo Dadka minooyinka Wada.

Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|