|
Dowlada KMG ah Soomaaliya oo sheegtay in askarta Dareeska Ciidanka Dowlada Wata oo dadka dhaca ay Yihiin Kooxda al shabab.
Sept,22,2011
www.Hobyoradio.com

Dowlada KMG ah soomaaliya oo sheegtay in askarta Dareeska Ciidanka Dowlada Wata oo dadka dhaca ay Yihiin Kooxda al shabab.
Hadal ka soo Yeeray Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Janaral C/kariin Yuusuf Dhagabadan ayuu shegay in Ciidanka Dowlada ee dhaca u gaystay dadka Shacabka aysan aheyn kuwa Dowladda KMG Soomaaliya ayna yihiin Dad ka Tirsan Kooxda al shabaab.
Dhagabadan oo La hadlayay Warbaahinta muqdisho ayaa sheegay in Askarta Dowladda KMG Soomaaliya ay ku jiraan Dagaalada iyo Farumaha hore Kuwa muqdisho jooga oo wax dhaca ay yihiin Ciidamo ay dareeska Dowladda u soo galiyeen Xarakada Al Shabaab oo foodada iyo qas ka dhax wada ciidamada Daacada u ah dowlada KMG ah soomaliya si ay dadka udhahaan Ciidamaad Dowlada Waa Tuugo.
Sidoo kale dhagabadan oo ka hadlay dagaalada Muqdisho iyo kooxda al shabaab oo wali muqdisho ku harsan ayaa yiri Waxaan wadnaa abaabul iyo qorshe aan goordhow cagta ku marin doonao kooxda Al Shabaab ana ka ka saari doono Gudaha muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya iyo Meel waliba ay ku harsan yihiin.
Dagaalada ka socda Goboladaa Dalka soomaaliya ayuu Taliyuhu sheegay in Meelo badan oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ay ka socdaan dagaalo Xoogan oo aan kal Joogsi laheyn basle Dhagabadan uu Tilmaamay in Guulo ay ka Gaaren mar dhowna Gobolada ka eryi doonaan Xarakada Kooxda al shabab.
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|