|
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo Caawa Qarax lagula eegtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Sept,23,2011
www.Hobyoradio.com


Gudoomiyaha
Gobolka
Mudug
ee
Puntland
oo
Caawa
Qarax
lagula
eegtay
Waqooyiga
Magaalada
Gaalkacyo.

Maxamed Yuusuf Jaamac Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa caawa Qarax waxaa lagula beegsaday Xaafada Israac ee Waqooyiga Gaalkacyo, Ayadoona uu ka badbaaday Qaraxa, Waxana Qaraxa Ku dhaawacmay labo qof oo Rayid ah, islamarkaana ka ag dhawaa Goobta Qaraxa uu ka dhacay.
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa midka meelaha Fog laga hago, Waxana lala damacsanaa Gaari uu saar naa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, hase yeeshee Waxaa Gubtay Qayb ka mid ah Gaariga, Ayadoona uu ka bad baaday Gudoomiyaha isku daygaasi la rabay in lagu dilo,Waxana Islamarkiiba Goobta ay soo gaareen Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland.
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Hawlgalo ka sameyaya halka Qaraxa uu ka dhacay, hase yeeshee lama oga Cid loo qabtay Qaraxa, Ayadoona Kooxihii ka danbeeyay ay Goobta ka baxsadeen kadib markii uu Qaraxa Dhacay.
Dhan Walba hajirtee Ma'ahan Markii ugu horaysay ee Masuul ka tirsan Maamulka Puntland lagu weeraro Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Ayadoona kii ugu danbeeyay uu ahaa Allaha U naxariistee Xildhibaan C/raxmaan Axmed Xaaji {Koodhaa} oo Kooxo hubaysan Haben Dhawayd ku dileen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Siciid Jaani
Hobyo Media Network Gaalkacyo and Ceel Guula
siciidjaa@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|