|
Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuuso Mareeb oo Ciyaar Xiiso badan ay ku dhex martay Garoonka Kubada Gagta ee C/laahi Ciise.
Sept,23,2011
www.Hobyoradio.com


Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuuso Mareeb oo Ciyaar Xiiso badan ay ku dhex martay Garoonka Kubada Gagta ee C/laahi Ciise.















Ciyaar Xiiso badan oo dhex martay Magaalada Gaalkacyo oo matalaysa Gobolka Mudug iyo Magaalada Dhuuso mareeb oo matalaysa Gobolka Galgaduud, Ayaa Waxa ay ka dhacday Garoonka Ciyaaraha ee C/laahi Ciise, Ayadoona halkaasi ay soo buuxdhaafsheen Taageerayaal labada dhinac ka socda.
Sidoo kale Waxaa Garoonka C/laahi Ciise ku suganaa oo dawanayay Ciyaarta Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Gobaledka Galmudug, oo ay mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Maxamud Xasan Baasto, Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Maxamuud Guure Guuleed iyo Duqa Cusub ee Magaalada Gaalkacyo, Farxaan Xasan Jeey, Masuuliyiintaan ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Ciyaartoyda, Macalimiinta iyo Gudiga Sportska ee ka socda Magaalada Dhuuso mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, Waxa ayna u cadeeyeen in Galmudug ay ka mid yihiin, islamarkaana labo Magaalo oo reer Galmudug ah, wada Ciyaarayaan.
Sidoo kale Salaad Banaadiri oo ka mid ah Gudiga Sportska Gobolka Galgaduud, Ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxa uuna ugu horayn u mahad celiyay dhamaan Bahda Sportska Galmudug, Masuuliyiinta Galmudug ee soo dhawaysay, waxa uuna Sidoo kale Salaad Carabka ku dhuftay in ay Galmudug ka mid yihiin, islamarkaana ay ka yimaden Gobol ka tirsan Galmudug ayna yimaadeen Gobol kale oo isla Galmudug ah, Salaad Banaadiri ayaa ugu danbeytii ku baaqay in Sportska Galmudug la taageero, dhulkana laga qaado.
Dhanka kale Ciyaartii Galabta ayaa waxa ay ku dhamaatay 2 - 0 oo ay guusha ku raacday Magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee Ciyaartoyda labada dhinac ayaa waxa ay soo bandhigeen Ciyaar aad u xiiso badan, islamarkaana ay u riyaaqeen daawadayaashii kulankaas.
Dhan walba hajirtee waa markii labaad oo ay wada ciyaaraan Gaalkacyo iyo Dhuuso mareeb, Ayadoona kulankii hore uu ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb, kaasi oo ku soo dhamaaday 2 - 1 oo ay Guusha ku raacday Gaalkacyo, Kulankaan ayaa noqonaya kii labaad oo ay ku Awood bataan Xulka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Siciid Jaani
Hobyo Media Network Gaalkacyo and Ceel Guula
siciidjaa@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|