Dhismooyinka Quruxda badan IYO Goobaha Ganacsiga oo ku soo Kordhaya Xaafadaha kala duwan Magaalada Gaalakcyo ee Dawlad Goboleedka Gal-mudug state {Daawo Sawirada Hotel Geedi }

Sept,23,2007 www.Hobyoradio.com

Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta dawlad goboleedka Gal-mudug State ayaa marba marka kadanbaysa waxaa ku sii badanaya dhismooyin farabadan oo aad uqurux badan kuwaas oo iskugu jira Hoteelo, lagu qabto shirarka ,xafladaha,ayna dagaan dadka safarka ah, Maqaayadaha cuntada noocyadeeda kala duwan laga helo oo iskugu jira kuwo waa wayn iyo kuwo yar yar intaba, Dhismiooyinka gaarka loo leeyayhay oo ay degan yihiin hay’adaha sama falka ee ka jira Gal-mudug, Dhismoyinka shirkadaha isgaarsiinta oo aad u bilic wanaagsan kuwaasi oo ay ka taagan yihii taawarada ay saran yihiin anteenooyinka mobailada iyo land-linek, iyo baqaaro lagu iibiyo laguna kaydiyo noocayada kala duwan ee raashinka kuwo lagu gado dharka iskugu jira jumlada iyo taafaariikhda.

Milkiilaha Hotel Geedi. C/laahi Xassan Gedi

Qaybta Nasashada ee dabaqa 2 aad Geedi

Waxaa iyana jira dhismooyinka ugu bilicda wanaagsan magaaladda oo ay degan yihiin madaxda iyo xubnaha labada gole ee dawlad goboleedka Gal-mudug State. Waxaana ka mid ah dhismaha caanka ah ee Madax tooyada dawlad goboleedka Gal-mudug State.

Qololka Jiifka Hotel Geedi

Magaaladda ayaa sidoo kale ku sii fidaysa dhul badan oo awal ahaan jiray meel baadiye ka ah Gaalkacyo waxaad arkaysaa dhismooyin cusub iyo aas aas hada ka socda dhul badan oo ay magaaladu ku fiday,qaar ka tirsan fuudiyaasha iyo shaqalaha ka shaqeeya hawlaha dhismaha oo uwarmayay hobyoradio ayaa ku nuux nuuxsaday in maalina aysan ka baaqan hawsha dhismaha oo ay joogto tahay " maalin kasta oo ka mid ah todobaadka waxaan ku jirnaa dhisme cusub oo mid hadii aan bil iyo wixii la mid ah ku dhamayno hadana nalaga wacayo mid kale" sidaasi waxa yiri mid ka mid ah fuundiyaasha ka shaqeeya hawlaha dhismaha oo codsaday inaan magaciisa loo adeegsan saxaafadda.

Muuqaalka Sare ee Wadajir, Gaalkacyo

Dukaanka Weyn Ee Hotel Geedi

Waxaa sidoo kale xusid mudan in markii aad dhex maraysid xaafadaha kala duwan ee magaalda Gaalkacyo ee xarun goboleedka Gal-mudug State ay indhahaagu qabnayaan dukamo yar yar oo loo yaqaan dukaan xaafadeed kuwaasi oo markaasi lagu iibanayo dhamaan noocyada kala duwan ee bagaashka iyo alaabaha yar yar ee ay ubaahan yihiin xaafaha dariska la ah dukaankaasi. waxaa iyana jira in qudaarta noocyadeeda kala duwan loo soo dhaweeyay xaafaha siiba bisha barkaysan ee Ramdaan halkii laga doonan lahaa suuq wax badan ka fog xaafada isla markaasina ayba macquul tahay in suuqa qofkii aada uu jumlo maahina uusan ka helayn wax tafaariikh ah.

Isku soo wada duuboo magaalda Gaalkacyo ee xarunta Gal-mudug State ayaa ah mid la oran karo waxay hor umar wayn ka gaartay dhinaca dhismooyinka aan kor ku soo xusanay ee bilcda wanaagsan.

Cabdalla Max’d Cabdille

Xaafiiska hobyoradio

Galkacyo,Gal-Mudug State,of Somalia,

cabdalla45@hotmail.com


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com