|
Su’aal ku Socoto Ragga Somaliyeed ? BY. Bilan
Sept,24,2011
www.Hobyoradio.com


Su’aal ku Socoto Ragga Somaliyeed ?
1. hadii aad xaas xulan lahayd ma waxa aad ku xulan lahayd dhinaca quruxda,maaliyada,dabeecada,karti, mise dhoof ?
2- Diyaar ma ma u tahay xanaaneynta ubadka aad dhasho tusaale, xoog, maal, diin, iyo cilmi (waxbarasho)?
3- hadii xaaskaaga xanuun ay ku weyso in ay socodkii gabto,ma u dul qaadan lahayd mise mid kale ayaad raadsan lahayd?
4- ninkow xaaskaaga dhinac waliba ma ka dhisi lahayd,sida xaga cilmiga diinta,barashada baabuurta mise guri joog uun bey weligeed iska ahaaneysaa?
5- wax ma ka bedeli lahayd noloshaada tusaale hadii balwad lahayd ma joojin lahayd mise sidii uun baad u wadan lahayd?
6- xaaskaaga talada ay ku siiso ma qaadan lahayd,mise waad iska indho tiri lahayd?
7- dabeecadii aad lahayd inta aadan guursan,wax ma ka bedeli lahayd mise sidii uun baad u haysan lahayd?
8- hadii dhaqaalo xoog leh ku soo galo ma u sheegi lahayd xaaskaaga mise waad ka qarin lahayd?
9-hadii xaaskaaga kuu dirto mid ka mida hasha guriga,ma si toos ah ayaad u abari lahayd mise wax aan dani kuugu jirin ayaad isku mashquulin lahayd?
10- sheekooyinka ka dhaca magaalada ma la socod siin lahayd xaaskaaga,mise waxaad noqon lahayd nin aan war oo dhan u keenin?
11- hawsha guriga oo aad u badan qeyb ma ka qaadan lahayd, mise,dhexda inta aad dhuuqsato ayaad magaalada iska geli lahayd?
12- hadii xaaskaaga naag ay beri ay sxb ahaayeen la colowdo adigna ma sida xaaskaaga ayaad col la noqon lahayd mise meesha aad ku aragto waad salaami lahayd?
13- hadii aad xaaskaaga mudo aad u dheer is qabteen,caruurna aysan kuu dhalin ma isaga tagi lahayd,mise naag kale ayaad la guursan lahayd?
14- Hadii xaaskaaga ehelkeeda ay qalafsan yihiin ma ku xaqdhowri lahayd xaaskaaga mise waad ku dayan lahayd sidooda oo kale?
15- inta aad soo guursan xaaskaaga waxa aad geyn jirtay filimada,riwaayadaha meelaha caweysyada,kolka aad guursato ma ka joojin lahayd?mise sidii uun baad yeeli lahayd?
16- reerka xaaskaaga oo dhibeyteysan si joogta ah bil ma ugu diri lahayd,mise gacmaha ayaad ka laaban lahayd?
17-hadii ay weligeed idinla noolaaneyso xaaskaaga hooyadeed,ayna tahay qof dabeecad xun maxaad yeeli lahayd?
18-hadii ay xaaskaaga tahay qof bulsho ah oo dadka oo dhan ay sxb la tahay,ma ka maseeri lahayd arintaas?
19- Sidee u aragtaa hadii xaaskaaga ragg ay horey isu yaqaaneen ay marar fara badan idin soo booqdaan ama taleefoon kula soo xiriiraan?
20-lacagaha idin soo galo adiga iyo xaaskaaga ma keligaa ayaa maamuli lahayd,mise xaaska ayaad oran lahayd ila maamul?
21-sideed xaaskaga uga go´yan lahayd saaxiibada,warxumo tashiilka badan?
22-hadii xaaska mar walbo jeceshay in ay ka qeyb gasho xafladaha aroosyada,ma u raaci lahayd mise keligeed ayaad diri lahayd?
23- hadii xaaskaaga tahay qof war badan oo 24kii saac taleefoon ku hadleyso habkeed uga joojin lahayd arintaas?
24- hadi ay xaaskaaga ku kacdo waxyaabo aadan adigu jecleyn maxaad ku sameyn lahayd?
25- ilko iyo carab wey is qabtaan hadii wax yar idin dhexmaraan xaaskaaga,sirta reerka ma dibada ayaad soo dhigi lahayd mise wey idiin qarsoonaan lahayd?
26- xaaskaaga oo dhalinyaro fara badan dhexda uga jirto,hadii aad dariiqa kula kulanto adiga oo shaqo ka soo baxay,talaabo ceenkeeya ayaad qaadi lahayd?
27- iyadoo xaaskaaga tijaabineysa mid ka mida dabeecadahaada,hadii ay dhowr habeen is hortaagto,shaqadii aad qaban jirteen xiliga jiifka la isku
diyaarinaayo,maxaad ku sameyn lahayd?
28- iyadoo ogeyd xaaskaaga in aad balwad lahayd,isla markaana aad ku soo guursatay adigoo weli balwadaada iska wato,hadii ay kugu tiraahdo
ama aniga ama balwadaada mid dooro,halkeed wax ka bilaabi lahayd?
29- hadii ay xaaskaaga kaa diido talo aad u soo jeedisay,sida tukashada salaada,in ay madaxeeda asturto(safaleeti xirato),
aadin muxaadarooyinka diiniga,maxaad ku sameyn lahayd?
30- hadii ay xaaskaaga tahay ruux ku ciyaara lacagta oo aan u nixin,isla markaana aan ku xisaabtamin dhaqaalo in aad
meel dhigataan,sideed wax yeeli lahayd?
QALINKII .-BILAN SUMUNI
EMAIL: bilan_sumuni@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|