![]() |
|||||||||||||||||
|
|
|||||||||||||||||
|
Muuqaalka
Quruxda
badan
Hotel
Geedi
magaalada
Gaalkacyo
ee
Dawlad
Goboleedka
Gal-mudug
State {Daawo
Sawirada
Hotel
Geedi }
Sept,24,2007 www.Hobyoradio.com
Hoteelka Caalamiga ah ee Hotel Geedi ayaa noqday Hoteelka ugu Bilicda iyo soo dhaweynta wanaagsan, anagoo u soo gudbin doona aqristayaasheena iyo Jaaliyada Dibadda ee Galmudug warbixin gaara oo wariyaheeenu kasoo diyaariyay Hotel Geedi.
Kala Xiriir Maamulka Hotel Geedi Talefon: Cell. 2525-757-724 Gaalkacyo.
Waxaa iyana jira dhismooyinka ugu bilicda wanaagsan magaaladda oo ay degan yihiin madaxda iyo xubnaha labada gole ee dawlad goboleedka Gal-mudug State. Waxaana ka mid ah dhismaha caanka ah ee Madax tooyada dawlad goboleedka Gal-mudug State. Magaaladda ayaa sidoo kale ku sii fidaysa dhul badan oo awal ahaan jiray meel baadiye ka ah Gaalkacyo waxaad arkaysaa dhismooyin cusub iyo aas aas hada ka socda dhul badan oo ay magaaladu ku fiday,qaar ka tirsan fuudiyaasha iyo shaqalaha ka shaqeeya hawlaha dhismaha oo uwarmayay hobyoradio ayaa ku nuux nuuxsaday in maalina aysan ka baaqan hawsha dhismaha oo ay joogto tahay " maalin kasta oo ka mid ah todobaadka waxaan ku jirnaa dhisme cusub oo mid hadii aan bil iyo wixii la mid ah ku dhamayno hadana nalaga wacayo mid kale" sidaasi waxa yiri mid ka mid ah fuundiyaasha ka shaqeeya hawlaha dhismaha oo codsaday inaan magaciisa loo adeegsan saxaafadda. Waxaa sidoo kale xusid mudan in markii aad dhex maraysid xaafadaha kala duwan ee magaalda Gaalkacyo ee xarun goboleedka Gal-mudug State ay indhahaagu qabnayaan dukamo yar yar oo loo yaqaan dukaan xaafadeed kuwaasi oo markaasi lagu iibanayo dhamaan noocyada kala duwan ee bagaashka iyo alaabaha yar yar ee ay ubaahan yihiin xaafaha dariska la ah dukaankaasi. waxaa iyana jira in qudaarta noocyadeeda kala duwan loo soo dhaweeyay xaafaha siiba bisha barkaysan ee Ramdaan halkii laga doonan lahaa suuq wax badan ka fog xaafada isla markaasina ayba macquul tahay in suuqa qofkii aada uu jumlo maahina uusan ka helayn wax tafaariikh ah. Isku soo wada duuboo magaalda Gaalkacyo ee xarunta Gal-mudug State ayaa ah mid la oran karo waxay hor umar wayn ka gaartay dhinaca dhismooyinka aan kor ku soo xusanay ee bilcda wanaagsan. Cabdalla Max’d Cabdille Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State,of Somalia, cabdalla45@hotmail.com
Hobyo Radio News Media |
|||||||||||||||||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
|||||||||||||||||