|
Galmudug oo Gabi ahaan Qaadacday Imtaxaankii ay galeen Ardayda Faderalka ah ee Deeqda Waxbarsho Dawlada Turkiga Siisay.
Sept,24,2011
www.Hobyoradio.com


Galmudug oo Gabi ahaan Qaadacday Imtaxaankii ay galeen Ardayda Faderalka ah ee Deeqda Waxbarsho Dawlada Turkiga Siisay. Dhageyso
Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga oo Caawa u waramayay Idaacadda Hobyo, gaar ahaan Barnaamijka Xulashada Caawa, Ayaa shaaca ka qaadan in aysan u qalmin Ardayda ku soo baxday Imtaxaanka Deeqda Waxbarasho ee Dalka Turkiga, Islamarkaana Galmudug, Ay joojisay.
Axmed Baasto ayaa sidoo kale Dawlada Turkiga ugu baaqay in dib u soo celiyaan Imtaxaankii, Maadaama Musuq Maasuq dhacay, taasi oo ay sameeyen Xubnaha Wasaarada Waxbarashada Galmudug ee Barnaamijka Qaban qaabinayay.
Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga oo mar la weydiyay, Tilaabada kaga aadan Dawlada, Masuuliyiintaan Musuq maasuqa Sameyay, Ayuu ku jawaabay" Xukuumada Arintaan fadhi ayay ka yelanaysaa wixii fadhigaas ka soo baxa ayaa lagu qaadayaa Xubnaha Wasaarada Waxbarashada" sidaasi waxa yiri Axmed Baasto.
Ugu danbaytii Axmed Maxamud Xasan Baasto Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug, ayaa ugu baaqay dhamaan Shacabka iyo Ardayda Galmudug in ay Xaalada dajiyaan, Islamarkaana wixii dhacay Dawlada ay sixi doonto, wax kastana Wada hadal lagu dhameyn doono.
Dhan Walba hajirtee hadalka Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug ayaa imaanaya Xili Maanta Magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen Banaanbaxyo Rabshada wata, oo loga soo horjedo Natiijada Imtaxaanka Deeqda Waxbarasho ee Dalka Turkiga.
Siciid Jaani
Hobyo Media Network Gaalkacyo and Ceel Guula
siciidjaa@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|