|
Jaaliyadda Galmudug ee Minnesota oo la kulmay G/barlamaanka Somalia Shariif Xasan.+Sawiro
Sept,25,2011
www.Hobyoradio.com


Jaaliyadda Galmudug ee Minnesota oo la kulmay G/barlamaanka Somalia Shariif Xasan.










Jaaliyadda Galmudug ee kudhaqan magaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa kulan la qaadataya gudoomiyaha barlamaanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo socdaal howleed ku joogay dalka Maraykanka.
Gudoomiyaha barlamaanka Somalia Shariif Xasan iyo Jaaliyadda Galmudug ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga dowladda Somalia iyo dowlad goboleedka Somaliyeed ee Galmudug, Waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira deegaanada Galmudug.
Jaaliyadda Galmudug ayaa ku amaanay dowladda Somaliya siday ugu dhabar adaygtay marxaladaha adeg ee dalku soo maray, Gaar ahaan guusha laga gaaray kooxda Alshabaab ayadoo si xoog ah looga saaray magaladda Muqdisho hadana waxaan rajaynaynaa in dowladu ay ka xorayn doonto gobolada kale ee dalka kooxda Alshabaab.
Gudoomiayaha Barlamaanka Shariif Xasan ayaa oga mahadceliyay jaaliyadda Galmudug ama ha joogaan Muqdisho, Galmudug iyo dibadaha sida wanaagsan ee ay u taageereen dowladda Somaliya waxaana aan si gaara ugu amaanayaan oo aan ku arkay inay yihiin dad wadaniyiin ah oo markasta ka hadla dalka sidii loo dajin lahaa loona hormarinlahaa, Ciidamadda dowlada ee ku sugan Muqdisho kuwa aan ugu kalsoonida badanahay waa kuwa u dhashay Galmudug, Waxaa sidoo kale xusid mudan sida dadweynaha iyo dowladda Galmudug usoo dhaweysay walaalahooda kusoo qaxay deegaanada Galmudug.
Shariif Xasan Sh. Aadn ayaa dhanka kale oga warbixiyay xaaladda kala guurka ee ay dowladda Somaliya kujirto waxaana loo baahanyahay in laga wada qatbqaato sidaan u noqon lahayn qaran ogana bixilahayn kumeelgaarka islamarkaana aan u qaban lahayn doorasho xalaal ah, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay xooga saarayaan maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa ayadoo aan xooga saarayno dhanka nabadgalyada.
Jaaliyaddii Galmudug ee shirka ka qaybgashay waxaa kamid ahaa..
G/lle sare Xasan Max'ed 'Xasan Kornayl'
G/lle sare Cabdullaahi Xasan Farax
Caaqil Cabdulle Jimcaale 'Cagaweyne'
Caaqil Raage Haji Dhoore
Sheekh Xasan Aw Aadan
Caaqil Aadan Cilmi Calas
Ganacsade Cabdullahi Muxuyadin Macalin
Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay ee Jaaliyadda Galmudug iyo gudoomiyaha barlamaanka Somalia Shariif Xasan Sh. Aadan ay kulmaan ayadoo ay horay isku arkeen qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|