|
Cali {Xisbi} oo baaq u diray Shacabka iyo Ardayda Galmudug in Mudaharaadyada sii wadaan inta ay xuquuqdoda helayaan.
Sept,24,2011
www.Hobyoradio.com


Cali {Xisbi} oo baaq u diray Shacabka iyo Ardayda Galmudug in Mudaharaadyada sii wadaan inta ay xuquuqdoda helayaan. Dhageyso
Cali Xasan Cali {Xisbi} oo ka mid ah Siyaasiyiinta Galmudug, horayna Xil uga soo qabtay Maamulka, islamarkaana haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxa uu baaq u diray Shacabka iyo Ardayda Galmudug Xili uu la hadlayay Idaacada Hobyo.
" waxaan ugu baaqayaa shacabka iyo Ardayda Galmudug in ay sii laba jibaaraan Banaanbaxyada Xaqooda ku raadsanayaan, Waa in la helaa Boosaskii ay xaqa u lahaayeen Ardaydaan,Sidoo kale waa in wax laga qabtaa laaluush qaatayaasha" Sidaasi waxaa yiri Cali Xisbi.
Sidoo kale Cali Xisbi ayaa Wasaarada Waxbarashada Galmudug ku eedeyay in ay ka danbeyso Musuq maasuqa iyo Wax si daba marsiiska lagu sameyay Ardayda Galmudug, waxa uuna ku baaqay in dhamaantod Xilka laga qaado.
Cali Xisbi oo mar wax laga weydiiyay, sida uu u arko in Barnaamijkaan deeqda ah Dawladu ay joojisay, ayuu mar kale ku jawaabay" Wax la joojinayo majirto taasina ma an facayso Ardayda Galmudug, hadii laaluush la qaatay, Arintiina ay ka shifmatay, ma'ahan in deeqda waxbarasho la diido, dawlada waa in ay sameysaa sidii Imtaxaanka dib loogu soo celin lahaa" Cali xisbi ayaa mar kale sidaas yiri.
Dhan walba hajirtee hadalka Cali Xisbi ayaa imaanaya Xili maanta Banaanbaxyo Rabshado Wata ay ka dhaceen Gaalkacyo, Ayadoo sidoo kale uu ku soo beegmayo, kaidb markii goor dhaweyd Dawlad Gobaledka Galmudug, Shaaca ka qaadeen in la joojiyay Ardaydii ku soo baxday Imtaxaankii Shalay dhacay, sababo la xiriira musuq maasuq la sameyay.
Siciid Jaani
Hobyo Media Network Gaalkacyo and Ceel Guula
siciidjaa@hotmail.com
Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|