Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Suldaanka Leelkase oo idaacada Hobyo oga warbixiyay qodobadii kasoo baxa shirkii shalay ee W/Galkacyo

Sept,26,2011 www.Hobyoradio.com

 

Suldaanka beesha Leelkase oo idaacada Hobyo oga warbixiyay qodobadii kasoo baxa shirkii shalay ee W/GalkacyoDhageyso

Suldaan Jaamac Shire Geesood oo ah Suldaanka beesha Leelkase oo caawa ka warbixiyay Qodobada Shirka Maanta labada dhinac ay ku yesheen W/ Magaalada Gaalkacyo.

Suldaanka Beesha Leelkase, Jaamaca Shire Geesood ayaa Caawa Waraysi dhinacyo badan taabanaya Siiyay Idaacada Hobyo, Asagoona ugu horayn wax laga weydiiyay Shirkii Maanta iyo Qodobada ka soo baxay, waxa uuna sheegay in dhex dhexaadinta ay Wadaan Salaadiin 16 gaaraya, ayagana maanta soo saareen Qodobo hordhac ah oo Badan, Saldaanka ayaa cadeeyay in qodobadaas qaar ka mid ah aysan ku qanacsaneyn.

Geesood ayaa sidoo kale mar wax laga weydiiyay sida ay u arkaan in Ciidamo Maamulku uu keeno Xaafada Garsoor, koontoroolkana ay ku wareejiyaan ayuu ku jawaabay" taasi way nayirahdeen laakiin kama yeelayno, Anaga Dakad wax nagama soo galaan Garoon diyaarad waxba nagama soo galaan, Koontoroolkaas ayaan haynaa, Asagana ugu darimayno" Sidaasi waxaa yiri Suldaan Geesood.

Jaamac Shire Suldaanka beesha leelkase ayaa Cabarka ku dhuftay in Xaalad kacsanaan ah ay ka jirto Xaafada Garsoor hase ahaatee, Ayagu ay dajiyeen, Dhanka kale Suldaanka ayaa shaaca ka qaaday in bari Warqad Qoraal ah ay hordhigi doonaan, Salaadiinta dhex dhexaadinta Wada oo Qorshahooda ay ku cadeyn doonaan.

Dhan walba hajirtee hadalka Suldaanka Beesha leelkase ayaa imaanaya Xili Maanta Qodobo Hor dhac ah laga soo saaray Shirkii Nabada, Ayadoona qaar ka mid ah Qodobadaasi aysan ku qancin Beesha Leelkase, hase yeeshee Maalinta bari ah ayaa lagu balan sanyahay Shirkale oo midkaan daba socda.

Siciid Jaani
Hobyo Media Network Gaalkacyo and Ceel Guula
siciidjaa@hotmail.com

Kala xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|